Todobo askari Jabuutiyaan ah oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Lataliye u hadlay madaxwayne Geelle ayaa falkan ku eedeeyay Jabhadda Soo-celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda ee loo yaqaano FRUD.

DJIBOUTI CITY, Jabuuti - Todobo askari oo Jabuutiyaan ah ayaa lagu dilay iska horimaad dhexmaray ciidamada iyo koox hubeysan oo ka soo horjeeda, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay la taliyaha madaxweynaha.

"Weerarkan ka dhacay waqooyiga dalka waxaa fuliyay habeenimadii Khamiista Jabhadda soo celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda (FRUD)," ayuu yiri Alexis Maxamed oo ah la taliyaha Ismaaciil Cumar Geelle.

Afhayeen u hadlay ururka FRUD oo ka soo jeeda qoomiyada Afari, ayaa beeniyay inay ku lug lahaayeen weerarka, taa badalkeedana waxa uu eedayn dusha uga tuuray koox ka go'day.

FRUD, oo la aasaasay 1991, ayaa heshiis nabadeed la saxeexday dawladda 1994, markii ay u qaybsameen laba kooxood oo mid ka mid ah uu ka baxay heshiiska.

"Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday fariisin ciidamada ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Garabtissan oo ka tirsan gobolka Tadjourah, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo aan la cayimin," ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu raaciyey: "Falka waxashnimada ah ee ay ku kacday kooxda argagixisada ah ee ka dhanka ah ciidankeena lagu aasaasay waqooyiga dalka ma ahaan doono mid aan wax ciqaab ah loo marin".

Afhayeenka FRUD Ibrahim Hamabou Hassan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in rabshadaasi ay tahay mid aan loo dulqaadan karin, wuxuuna ku eedeeyay koox dabley hubaysan oo ay maamulaan askartii hore ee militariga.

"Weerarkii ugu dambeeyay ee FRUD wuxuu dhacay Janaayo 2021, markaasoo hal askari la dilay," ayuu xusay Maxamed.

Jabuuti oo ay ku yaalaan mid ka mid ah dekadaha ugu waaweyn ee Bariga Afrika iyo sidoo kale saldhigyada ciidamada Maraykanka iyo Shiinaha ayaa la kulanta rabshado goosgoos ah, kuwaas oo inta badan ah mudaharaadyo lagaga soo horjeedo xukuumadda Madaxweyne Geelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM