Toogasho oo ka dhex-dhacday xarunta hay’adda tirakoobka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Is-maandhaaf soo kala dhex-galay askar ka tirsan booliska federaalka Itoobiya ayaa sababay toogasho ka dhex-dhacday dhismaha Xarunta Dhexe ee Hay’adda Tirokoobka.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in askarta ay ilaalo ka haysay tablets-ka yaalo halkaas, looguna daabulay xaruntaasi tirokoobka guud ee la filayo in laga sameeyo guud ahaan dalkaas.

Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa waxay ku naf-waysay shaqaaqadaasi, iyadda oo la sheegay in xabsi la dhigay askarigii falka ka dambeeyay.

Bishii June ee sanadkan, barlamaanka Itoobiya ayaa markii labaad dib-u-dhigay tirokoobka qaran markii, isagoo cus-kanaya arrimo la xiriira ammaanka.

Falanqeeyayaasha, si kastaba ha ahaatee, waxay carrabka ku adkeeyeen in tallaabadaasi ay wax u dhimeyso coddeynta 2020, taasi oo ah doorashadii ugu horreysay ee uu qabto Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed.

Itoobiya ayaa lagu wadaa in sanadka soo socda ay ka qabsoonto codbixin muhiim u ah dimoqraadiyadda dalkaasi iyo tirakoob heer qaran ah oo horey dib loo dhigay 2017.

Laakiin, Xildhibaanada baarlamaanka labada aqal ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo dhigo tirakoobka mar kale sanad, sababtuna tahay rabshadaha qowmiyadaha oo kor u kacay.

Sikastaba ha ahaatee, doorashooyinka heer degmo ee ka qabsoomi lahaa caasimada Addis Ababa iyo Dire Dawa, ayaa waxaa dib loo dhigay usbuucii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM