Uganda oo albaabada u laabeysa xafiis uu UN-ka leeyahay
KAMPALA, Uganda - Dowladda Uganda ayaa sheegtay in aysan dib u cusboonaysiin doonin shaqada xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, tallaabadaas oo ay aad u dhaleeceeyeen mucaaradka waddankaas.
"Xaalada xuquuqal insaanku sanadihii lasoo dhaafay si wayn ayay u soo hagaagtay intii ina hogaaminaynay Madaxweyne (Yoweri) Museveni," ayuu wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Henry Okello Oryem u sheegay AFP.
Oryem ayaa xusay in Uganda ay horumarisay hay’ado dowli ah oo “firfircoon” sida guddiga xuquuqul insaanka Uganda iyo kooxaha bulshada rayidka ah kuwaas oo kormeeray waxqabadkeeda xuquuqul aadanaha.
Dalkan ku yaal bariga Afrika ayaa, si kastaba ha ahaatee, waxaa ka dhacay tacadiyo isdaba joog ah oo lagu hayo dadka ka soo horjeeda xukunka Museveni oo 36 sano jirsaday.
Sidda ay sheegeen ururadda xuquuqda aadanaha, weriyayaal ayaa la weeraray iyagoo shaqadooda wata, garyaqaano ayaa la xiray iyagoo waajibkooda gudanaya, madaxda mucaaradkana ayaa si qasab lagu aamusiyaa.
Bishii Nofembar ee sannadkii hore, guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortagga jirdilka ayaa walwal ka muujiyey warbixinnada sheegaya in "jirdilka iyo si xun loola dhaqmay ay si joogto ah dalka ugu dhaqmeen".
Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in Uganda ay baabi'iso isticmaalka meelaha aan la ogolayn ee dadka lagu hayo ee lagu tilmaamay "guro ammaan ah".
Uganda ayaa warqad u dirtay Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) 3-dii Febraayo si ay ugu dhawaaqdo inaysan dib u cusbooneysiin doonin shaqada ka badan xilliga ay hadda shaqeyso.
GAROWE ONLINE