Uganda oo iclaamisay in ay ciidankeeda kala baxayso Kongo

Image
Ma jirto wax sabab ah oo la sheegay in Uganda ay ka baxayso amase warbixin ku saabsan halka uu marayo howlgalka ka dhanka ah ADF.

KAMPALA, Uganda – Uganda ayaa ciidamadeeda kala bixi doonta dalka ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo muddo laba toddobaad gudahood ah, sida ay sheegeen milaterigu, ka dib hawlgal wadajir ah oo ka dhan ah Islaamiyiinta fallaagada tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore.

Bishii Desembar ee la soo dhaafay, xukuumadda Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa boqollaal askari u dirtay bariga Congo si ay ugu biiraan millatariga Congo oo weerar ku qaaday saldhigyada Allied Democratic Forces (ADF).

"Howlgalka Shujaa wuxuu si rasmi ah u joogsanayaa qiyaastii 2 toddobaad gudahood sida uu dhigayo heshiiskii asalka ahaa," ayuu Twitter-ka ku soo qoray taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda Muhoozi Kainerugaba Talaadadii, isaga oo isticmaalaya magaca Shujaa kaas oo Swahili u ah "geesi".

"Waxay ahayd inay socoto 6 bilood. Haddii aan awaamiir dheeraad ah ka helin taliyaha guud ama CDF (madaxa ciidamada difaaca), waxaan dhammaan ciidamadeena kala bixi doonaa DRC 2 todobaad gudahood,” ayuu raaciyay Kainerugaba, oo sidoo kale ah wiilka Museveni.

Dirista Uganda ee ugu yaraan 1,700 oo askari ayaa ka dhigan faragelintii ugu weyneyd ee shisheeye ee Kongo muddo toban sano ah, marka laga reebo howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

ADF ayaa kacdoon ka bilowday Uganda balse waxaa saldhigeedu ahaa Congo ilaa dabayaaqadii 1990-meeyadii. Waxay u ballan qaaday inay daacad u tahay ISIL (ISIS) bartamihii 2019 waxaana lagu eedeeyay inay dishay boqolaal tuulo oo weeraro joogto ah labadii sano ee la soo dhaafay.

Ma jirto wax sabab ah oo la sheegay in Uganda ay ka baxayso amase warbixin ku saabsan halka uu marayo howlgalka ka dhanka ah ADF.

Uganda ayaa kooxdan ku eedaysay inay ka dambeeyeen saddex qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimaddeeda Kampala 16-kii November – qarax ay ku dhinteen toddobo qof oo ay ku jiraan kuwii is qarxiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM