Uganda oo "laba-wajiilanimo" ku eedeysay reer galbeedka

Image
Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa si adag wuxuu u weeraray "jeesjeeska" ay wadaan dowladaha Yurub.

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay dalalka reer galbeedka inay "laba-wajiilanimo" ku dhaqmaan marka ay timaaddo fulinta ballanqaadyo la xiriira isbedelka cimilada.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Mr Museveni kusoo hadal-qaadey warshadaha Jarmalka kuwaasoo uu sheegay in ay muhiim ay tahay in ay joojiyaan isticmaalka dhuxusha.

Museveni oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku dhuftey in tallaabadani ay "jeesjees" ku tahay ballanqaadyada reer galbeedka ee ku wajahan bartilmaameedyada cimilada.

Hoggaamiyaha Uganda ayaa sidoo kale xusay in dalalka Yurub ay ku faraxsan yihiin inay kheyraadka Afrika u qaataan baahidooda tamar balse ay ka soo horjeedaan horumarinta mashaariicda shidaalka ee Afrikaanka ah.

Uganda ayaa lagu wadaa in ay bilowdo dhoofinta saliidda saddex sano gudahood. Midowga Yurub wuxuu cambaareeyay qorshahan, balse Kampala waxay wacad ku martey in aysan u joojin doonin.

Dhibaatada tamarta adduunka awgeed, qaar ka mid ah waddamada Yurub ayaa dhowaan go'aansaday inay kordhiyaan wax soo saarka dhuxusha - tillaabadan oo ay si weyn u dhaleeceeyeen dadka u ololeeya isbeddelka cimilada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM