Uganda oo xaqiijisay in labo Askari looga dilay Soomaaliya

Image

KAMPALA – Labo Askari oo u dhashay dalka Uganda, kamid mid ahaa howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu dilay weerar Al-Shabaab ku qaadey magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabelle Hoose Talaadadii lasoo dhaafay ee Todobaadkan.

Lt. Col. Deo Akiiki, oo ah ku xigeenka afhayeenka ciidamada Militeriga Uganda ayaa maanta oo Arabaco ah u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua dilka labada Askari.

Askarta ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab kusoo qaadey magaalada Marka kahor booqashadii Madaxweyne Farmaajo 14-kii bishan October.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in weerar gaadmo ah oo lagu qaadey ciidamadeena ku sugan Marka lagu dilay labo Askari, waxaa sidoo kale jira dhowr askari oo dhaawac soo gaarey,” ayuu yiri Akiiki.

Akiiki ayaa intaasi ku daray inay ka sugayaan howlgalka AMISOM ee Muqdisho macluumaad dheeri ah oo ku saabsan askarta la dilay iyo kuwa dhaawacmay, si ay ugu wargeliyaan qoysaskooda.

Uganda ayaa ah dalkii ugu horeeyay ee ciidamo usoo diray Soomaaliya bishii March, 2007, waxaana ka jooga Askar lagu qiyaasay 6,500 kuwaasoo qeyb ka ah 22,000 oo Askari oo AMISOM ka kooban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM