UK oo $120 Million ugu deeqday Soomaaliya iyo AMISOM

Image

NAIROBI - Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday taageero maaliyadeed oo siineyso dalka Soomaaliya iyo howlgalka Nabad-illaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo tobban sano jirsaday.

Ra'iisul Wasaaraha UK, Theresa May oo booqasho ku timid Kenya, oo ay wadahadalo kula yeelatay Madaxwayne Uhuru Kenyatta waxay shaacisay inay qayb ka tahay deeqdaan kaalmo ay caalamka siinayaan.

Lacag ay dunida uqorsheysay dowladeeda ayay ku sheegtay $120 milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, taasoo 30 milyan oo Dollar oo kamid ah loogu deeqay dowladda Soomaalia, halka AMISOM lagu tabarucay 9 milyan.

Socdaalka ay Theresa May ku timid dalka Kenya, halkaasoo si wayn loogu soo dhaweeyay ayaa ka dhigaya masuulkii ugu horeeya ee xilkaas haya ee yimaada wadanka Kenya muddo ku dhow 30-sano ah.

Ra'iisul Wasaare May inta ay joogtey Kenya waxay booqatay saldhig ay ciidamada Ingiriiska ku leeyihiin Nairobi halkaasoo ay tababaro ku siiyaan ciidamo ka tirsan Kenya oo dagaalanka Al-Shabaab ka qayb qaata.

Al-Shabaab ayaa ah halista ugu wayn oo ay Kenya wajaheyso, waxaana ay ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan wadankaan weeraro dhimasho badan sababa, inta badan Askarta ayey beegsataa.

Shalay oo Arbaco ahayd weerar Miino loo adeegsaday ayaa lagu dilay gobolka Xeebta leh ee Lamu, waxaana dhabarka saaratay masuuliyadda falkaas kooxda gacan saarka la leh Shabakadda Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM