Waa kuma Soomaaliga xilka sare ee xasaasiga ah looga dhiibay Kenya?
NAIROBI, Kenya - Amiin Maxamed oo ah nin Soomaali ah ayaa loo magacaabay taliyaha laanta dambi baarista awoodda badan ee Kenya kadib uu xilkaasi iska casilay ninkii mudadii uu xilka hayay muran badan ka dhaliyay Kenya ee magacisu ahaa Kinoti.
Mudane Amiin ayaa xilkan kula loolamay saraakiil sarsare oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka, kuwaas oo soo gudbiyay arjiga qabashada xilkani.
Amiin waa 58 jir kasoo jeeda degmada Mandheera ee dalka Kenya oo muddo aad u dheer oo ku siman 38 sano kusoo jiray shaqada ciidanka oo uu xilal kala duwan kasoo qabtay.
Waxa uu shahaadada dambi baarista ka qaatay jaamacadda Egaton ee dalka Kenya isaga oo xiligaasi ka hor ka baxay mac-hadka ay dowladda leedahay ee Difaaca Qaranka.
Sanadii 1989-kii ayuu markii ugu horeysay xaadiray shaqadiisii koowaad oo ahayd madaxa xafiiska dambi baarista ee degmada Bungoma. Kadib waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo uu ka midyahay xilka aadka xasaasiga u ah ee ka hortaga hubka fudud iyo kan la dagaalanka Musuqa oo uu muddo kusoo shaqeeyay.
Xilligii lagu jiray imtixaamka loo galay xilkan Agaasimaha DCI , Amiin wuxuu ahaa ninka ugu buundada badan, waxaana dhacday in madaxweyne Ruto uu ku adkaystay in xilkani loo magacaabo ninka imtixaamka ku guuleysta isaga oo iska dhego mariyay ololihii siyaasiyiinta qaar ay ugu jireen in ay meesha keenaan shaqsiyaad ay iyaga wataan.
Wuxuu noqonayaa agaasimihii 16-aad tan iyo intii laantani dambi baarista la asaasay xilligii gumeysiga sanaddii 1926-dii.
Mudane Amiin ayaa hormuud kasoo noqday kiisas heerkoodu sareeyay oo uu ka mid ahaa mid la xiriiray rabshadihii doorasha 2007-dii iyo mid la xiriiray madax sare oo Kenya ah.
Waxaa xusid mudan in markii ugu horeysay ay shaqo toos ah dhexmarayso labo nin oo Soomaali ah oo kala jooga Laanta Dambi Baarista ooh adda Amiin loo magacaabay iyo Xafiiska Dacwad Oogaha Qaranka oo uu joogo Agaasime Nuuradiin Xaaji oo shacabka Kenya ay aad ugu aamaneen hufnaanta dhanka shaqada iyo eex la’aanta.
Xilalkan sarsare ee ay Soomaalida ka qabanayaan Kenya ayaa muujinaya in Soomaalida ay sii kordheyso saamaynta ay ku yeelanayaan Kenya.
GAROWE ONLINE