Waa kuwee dalalka Jabuuti ay uga Mahad celisay heshiiskii Eritrea?

Image

JABUUTI - Dalka Jabuuti oo heshiis hordhac ah la gaarey dalka Eritrea ayaa wasiirkoda  arimaha dibada Maxamud Cali Yusuf waxaa uu uga mahad celiyey talaabdaan dalalka Sucuudiga iyo Itoobiya.

Wasiirka oo bartiisa Twitter soo dhigey qoraal ku qoran afka Carbiga ayaa ku sheegey in dalka Jabuuti uga Mahad celinayo wadanka  Suucuudiga talaabooyinka ah dhexdhexadinta uu ka dhex sameeyey dalalka Eritrea iyo Itoobiya 

Dhinaca Wasiirka ayaa Ra’isal wasaraha Itoobiya uga mahadceliyey inuu abuurey xaalad labadaan dal kuwada hadlaan.

Qoraalka Wasiirka arimaha dibada Jabuuti laguma soo hadal qaadin dalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasaaradiisa arimaha dibada kuwasoo qayb ka ahaa kulamo looga hadlayay xalinta khilaafka labada dal.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo booqasho ku tagey dalka Eritrea muddo yar kadib markii Addis Ababa iyo Asmara heshiis kala saxiixdeen ayaa dalka Jabuuti aad uga careysiiyey mar uu ka  jeediyey khudabad wadankaad kaas uu QM kaga codsanayey in cunaqabateynta laga qaado dowadada uu hogaamiyo Afwarke.

Farmaajo ayaa booqasho ku tagey Jabuuti isaga oo raadinaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ka raali galiyo haddalkaas iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo laga soo saarey kulanka dhex marey madaxda labada dal ee walaalaha ah.

Wadanka Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti oo Daris ah ayaa waxaa ay xiriirka diplomaasi ee dhow la leeyihiin dalka Boqortooyada Sucuudiga kaasoo ka shaqeynaya inuu dhameeyo khilaafyada xuduuda ah ee u dhexeeya wadamadaan isagoo dhinaca  balanqaadyo dhaqaale sameeyey hadii guul laga gaaro wada-xaajood yadaan.

Waxaa Dad badan is weydinayaan doorka dalka Dowlada Soomaaliya oo xiriir dhow la leh dalka Qadar iyo sababta ay qayb uga tahay Heshiisyada lagu adkeynayo qorshaha Istraatijayadeed ee wadamada Khlaiijka uu hurmuudka u yahay dalka Sucuudiga.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan warbixin ay soo saartey hay’adda cilmi baarista ee Heritage waxay ku sheegtey in siyaasada arimaha dibada Villa Somalia jahawareer ku sugan tahay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM