Wafdi ka socda golaha dhexe ee xisbiga ka arimiya DDS Itoobiya oo gaarey Addis Ababa

Image

ADDIS ABABA- Ku simaha Madaxweynaha Ismaamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya [ IDDS] iyo wafdi uu hogaminayo ayaa tagey magalada Addis Ababa halkaasoo kulamo kula qaadanayaan madaxda Dowlada Federaalka ah.

Wafdiga oo uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee Maaliyada DDSI Axmad Maxamad Cabdi “Ikacase” ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa hogaaminaya 40 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga ka arimiya is-maamulka Soomaalida Itoobiya, sida warsidaha Garowe Online u xaqiijiyey qof xogogaal ah.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa xisbiga ka arimiya waxaa uu ka kooban yahay labo xisbi siyaasadeed oo isu tagey kuwaas oo awood qaybsi ku sameeyey xilalka golaha dhexe ee xukuumada xisbiga iyo dowlada ka arimisa maamulkaan.

In muddo ah awoodaha xisbiga talada  maamulka DDSI ku midoobey ayaan isu dheelitireyn iyadoo dowlada Itoobiya rabto iney wax ka badasho iyadoo rabta in golaha dhexe ee xisbiga ku darsato siyaasiyiin ay ku kalsoon yahay..

“ Umaleyn mayo in waqtigaan ku simaha Madaxweynaha DDSI lagu cadaadinayo inuu is-casilo sababtoo ah ciidamada faraha badan ee loo yaqaano New Police isaga ayay ku kalsoon yihiin kuwa soo amniga gobolkaan ku tiirsan yahay,” Sidaas waxaa GO u sheegey xogogaal ka warqaba xaalada ka taagan DDS isagoo ka jawaabaya su’aal ah suurtagalnimada in Ilkacse la waydiisto isagana inuu is casilo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland oo ku sugnaa maalmahaan magalada Addis Ababa ayaa wararka sheegayaan inuu qayb libaax ka qaatey dajinta rabshadaha ka bilowdey xil ka qadistii dowlada Federaalka damacsaneyd ku sameynaysay Madaxweynaha maaulkaas.

Wararkaan ayaa sheegaya in Axmad Madoobe qayb weyn ka qaatey In Madaxweynaha DDSI lagu qanciyo inuu is casilo si loo dajiyo xaaladii taagneyd.

RW dalka Itoobiya Abiy Axmad ayaan ka hadlin xalaadaha taagan islamarkaana aan lagu arkin kulmada dowlada qaarkood tan iyo intii ranshadaha bilowdeen.

GAROWE ONLINE  

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM