Walaalaha madaxwaynihii la afgambiyay ee Sudan oo la xiray

Image

KHARTUUM, Sudan – Milatariga Suudaan ayaa ku waramaya in ay xireen laba kamid ah walaalaha madaxwayne Cumar Xasan Al Bashiir.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegaya in tani ay qayb ka tahay ol'olaha xididaha loogu siibayo calaamadaha hogaankii hore.

Mas'uulka ayaa intaasi raaciyay in xubnaha kamida xisbul xaakimkii hore ay ku jiraan gacanta sharciga qaar kalena lagu daba jiro.

Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo xabsi la dhigay Al Bashiir oo xukunka laga afgambiyay todobaadkii hore.

Sidda ay xaqiijiyeen qoyskiisa, xabsiga la dhigay Al Bashiir ayaa ah midka uu isaga ku xiri jiray dadka kasoo horjeeda mudadii uu talada hayey.

Dibad-baxyadda ayaa sii socda iyada oo dadka ay su'aalo ka keeneen xaqiiqo ahaanshiyaha warka ku aadan in la xiray Cumar Al Bashiir.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa baahineysa in dadka ay codsanayaa in milatarigu cadeeyo arrinkaan uuna soo bandhigo muuqaalka Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM