Warar ku saabsan Xaaladda Jigjiga iyo Kulamo ka socda Addis Ababa
JIGJIGA - Diyaarado dagaal ayaa lagu arkay maanta hawada magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaaliya Itoobiya, xilli dhawaan halkaasi ay la wareegeen ciidamada Federaalka dalkaasi.
Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in diyaaradaha oo gaarayay illaa labo ay hal jeer dul-mareen guud, iyadoo aan la ogayn ujeedka dambeysay arrinkaas, laakiin wararka ayaa sheegay inay tahay qiimayn guud ee xaalada amni.
Wararka ayaa sheegay in diyaaradaha ay qeyb ka yihiin howlgalka lagu xaqiijinayo amniga magaaladda, sidoo kalena lagu ilaalinayo goobaha danta guud ee ku yaalla caasimadda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
-Shacabka oo olole nadaafadeed bilaabay –
Waxaa laga bilaabay Jigjiga howlo nadaafadeed oo ay kawada shaqaynayaan Soomaalida iyo qowmiyadaha kale, burburkii shaqaaqada oo khasaaraha ka sokow magaalada bilicdeeda, oo noqotay mudo yar gudahooda sida goob lagu dagaalamay.
Dhinaca kale, jawiga magaaladda ayaa degan, inkastoo la sheegayo inay jirto cabsi iyo in dareenka Shacabka uu yahay mid gabi ahaanba aanan xasiloonayn, islamarkaana isku socodka uu yahay mid yar-yar, wallow si teel-teel ah usoconayaa dadka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qoysaska Soomaalida ah ee ku nool Magaaladda ay gabi ahaanba ka baxsadeen xaasaskooda iyo caruurtooda Magaaladda, waxaana kaliya guryaha kusoo haray Ragga, taasoo caddayneysa hubanta la’aanta ka jirta Jigjiga.
Faahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in dadka aan Soomaalida ahayn ay dhankooda isaga baxeen Magaaladda, waxayna u ruqaan-sadaan dhanka Magaalooyinka kale oo ay ku sugan yihiin Ajaaniibta.
- Xogo dheeri ah –
Geesta kale, Madaxwaynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay xarunta Itoobiya ee Addis Ababa, halkaasoo lagu wado inuu kulamo kula yeesho mas'uuliyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, islamarkaana uu ku jiro xubno uu Abiy Axmed kala tashano masiirka gobolka.
Cabdi Illey ayaa xilka iska-casilay dhawaan kadib markii Jigjiga ay Ciidamo Militeri ah la wareegeen, sidoo kalena ay ka dhaceen magaalada rabashado ay dad badan ku dhinteen iyo boob loo geystay goobo ganacsi iyo xarumo dowladeed.
GAROWE ONLINE