Wararkii ugu dambeeyey baaritaanka weerarkii Nairobi [Dhageyso]

Image

NAIROBI, Kenya - Muddo todobaad ah ayaa laga joogaa markii weerar qarax ku billowday ay rag hubeysan ku qaadeen hotel-ka Dusit D2 ee magaalada Nairobi.

Weerarkan oo mas'uuliyadiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu dilay 21 qof, oo labo kamid ah u dhasheen Mareykanka iyo Canada, iyadoo boqolaal lagu dhaawacay.

Waxaa fuliyay weerarka 5 dabley ah, oo labo kamid ah la sheegay inay Somalia kasoo jeedaan, halka kuwa kalena ay ahaayeen Kenyan Al Shabaab xag-jireysay.

Mid kamid ah raggan, oo lagu magacaabi jiray Mahir Khalid Riziki ayaa isku dhex qarxiyay Hotel-ka, waxaana kuwa kale toogasho ku dilay ciidamada amaanka dalka Kenya kadib howlgal saacado badan qaatey.

Mas'uuliyiinta dalka Kenya ayaa in ka badan 10 qof u xirxiray weerarkaas, kuwaasoo 5 kamid ah dhawaan Maxkamad lasoo taagey, iyagoo lagu eedeeyay inay gacan siiyeen raggii weeraray hotel-ka.

Dusit D2 hotel oo uu leeyahay Ganacsade u dhashay Thailand ayaa ahaa goob caan ah, oo ka kooban xafiisyo, Makhaayad iyo meel ay degan yihiin hay'addo iyo dad kale oo maal-qabeenno ah.

Wuxuu ahaa weerar qaatey 20 saacadood oo noqday midkii 3aad oo Al Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo 2013, iyadoo lagu soo beegay sanad-guuradii saddexaad ee dhacdadii Ceel-Cadde.

Dhinaca kalena saraakiisha Kenya ayaa wacad ku maray inay ka hortagayaan in weeraro kale dalkaasi ka dhacaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM