Wasiir reer Congo ah oo xabsi loogu taxaabay eedeymo culus

Image

KINSHASA, Congo – Wasiirkii hore ee caafimaadka Congo ayaa waxaa loo xiray eedeymo ku aadan in uu si qaldan u maamulay lacag loogu talogalay in wax looga qabto caabuqa dilaaga ah ee Ebola.

Oly Ilunga oo dusha kala socday olalaha uu dalka kula tacaalayey cudurkan, kaasi oo galaaftay nolosha dad badan, ayaa waxaa shaqadda laga joojiyey July kahor inta aan la eryin.

Horaantii bishan September waxaa su'aallay booliska. Balse wuxuu beeniyay in uu wax qalad ah sameeyay. Mar kale ayaa loo xiray wax uu bileyska ku sheegay "tuhun ku aadan in uu baxsad yahay".

Warbixin kasoo baxday laamaha amniga oo loo diray booliska ayaa waxaa daboolka looga qaadey in sharciga lasoo taagi doono mas'uulkan 16-ka bishan September.

Qareenadiisa oo si ku cel-celis ah u beeniyay in uu dambi leeyahay ayaa hoos u dhigay dalab ku aadan in ay ka jawaaban xariga iyo sida ay u arkaan sheegashadda bileyska.

Beesha Caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha wadankaas ayaa 150 milyan oo dollar ugu deeqday in wax looga qabto caabuqa Ebola, wallow baahi ka badan ay jirto.

Xanuunkan ayaa illaa iyo haatan waxaa u geeriyoodey 2,000 qof oo ruux. Kaliya intii u dhaxeysay 2013-16, waxa uu Galbeedka Afrika ku laayey in ka badan 11,300, waana dhimashadii ugu badneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM