Wasiirada degaanka Soomaalida oo ka shiray masiirka ciidankii ONLF

Image
Image
Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Golaha Wasiirada degaanka Soomaalida ayaa maanta oo Jimce ah fadhi ku yeeshay xaruntooda caasimada maamulka ee Jigjiga.

Shirka oo socday saacado ayna kasoo qaybgaleen inta badan xubnaha xukuumada ayaa waxaa gudoomiyay madaxwayne ku xigeenka degaanka, Aadan Faarax.

Ajendaha isu imaatinka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa mustaqbalka ciidankii ONLF iyo bayaankii kasoo baxay shirka xisbiga talada haya.

Ugu horeyn, wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay qodobadii kasoo baxay shirwaynihii xisbul xaakimka ee ka koobnaa 27-da qodob.

Sidda laga soo xigtay illo ku dhow kulanka, waxaa la isku raacay in ciidankii jabhadda ONLF la siiyo tababar dheeraad ah iyo waxbarasho madani ah  loona sameeyo saldhigyo gaar ah.

Tan iyo bishii November oo ay dib ugu laabteen Jigjiga, ciidankii ONLF oo ay dowladdu la wareegtay ayaa ku jira xero ciidan oo ku taala duleedka magaaladda.

Dib u soo laabashada ciidankii iyo hogaanka ONLF oo haatan qaar kamida degaanka ku sugan yahay ayaa timid kadib heshiis nabadeed oo ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo ururka.

Heshiiska oo fahfaahintiisa aan lala wadaagin war-fidiyeenka waxaa kamid ah in magdhow la siiyo qoysaska ay kasoo jeedaan askarii ka dhimatay ONLF intii ay halganka ku jirtay iyo in la daryeelo "halyeeyadii" jabhadda.

ONLF oo haatan loo rogay xisbi ayaa lagu wadaa in magaalada Khabri-dahar ay dabayaaqada bishaan ku qabato shirkii ugu horeeyay, kaasi oo ay isugu diyaarineyso doorashada kusoo food-leh gobolka sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM