Wasiirkii sharciyeeyay midab-takoorka South Afrika oo dhintay

Image
Sideetan iyo shan jirkan ayaa soo noqdey wasiirka sharciga iyo kala dambeynta si lamid ah wasiir ku xigeenka difaaca.

CAPE TOWN, South Africa - Wasiirkii hore ee sharciga iyo nidaamka dalka Koonfur Afrika, Adriaan Johannes Vlok, ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Unitas ee magaalada Pretoria isaga oo 85 jir ah.

Vlok waxa uu soo noqday wasiir intii u dhaxaysay 1986 ilaa 1991. Waxa uu sidoo kale soo noqday wasiir ku xigeenka gaashaandhiga xiligii Koonfur Afrika ee midab takoorka.

Afhayeen u hadlay qoyska iyo kaaliyihii hore ee xoghayaha warfaafinta ee Vlok Peet Bothma ayaa u xaqiijiyay geerida. Wuxuu yidhi: "Vlok waxa uu bukay in muddo ah".

Afhayeenka Qoyskiisa Peet Botha: “Waxa uu subaxnimadii hore ee saaka ku geeriyooday cisbitaalka Unitas ee ku yaala Centurion. Waxa uu bukay muddo laba bilood ah".

Ilaa hadda lama garanayo sababta uu u dhintay. Qoyskiisa waxay sheegeen in ay diiradda saarayaan aaskiisa. Dadweynaha ayay ka dalbadeen in ay kala soo qeybgalaan munaasabadda duugta.

Muddadii uu ahaa wasiirka sharciga iyo kala dambaynta, waxa uu door ku lahaa xakamaynta 17 urur oo ka hortagga midab-takoorka, xariga iyo cabudhinta 30 000 oo qof.

Si uu ugu markhaati furo doorkii uu ku jiray xilligii midab-takoorka, Vlok oo la aaminsan yahay in uu sharciyeeyay midab-takoorka waxaa cafis u fidiyay guddiga runta iyo dib u heshiisiinta 1999-kii.

Sannadkii 2006-dii waxa uu sameeyay qiraal dheeraad ah oo ku saabsan kaalintiisa jidh-dilka iyo qabashada dadka u dhaqdhaqaaqa ka-hortagga midab-takoorka, isaga oo bixiyey raaligelin buuxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM