Weerar Ajaaniib lagu dilay oo ka dhacay Itoobiya [Fahfaahin]

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dabley hubeysan ayaa lagu waramayaa in ugu yaraan Shan ruux oo labo kamid ah ay Ajaaniib yihiin ay ku dishay ismaamul goboleedka Oromada ee dalka Itoobiya.

Weerarkaan oo dhacay abaare 7:30 am subaxnimo maanta oo Talaado ah ayaa laga soo wariyay gobolka Wollega oo ku yaalla Galbeedka wadanka aan badda lahayn ee ugu dadka badan Afrika.

Mas’uuliyiinta ayaa nan wali soo bandhigin fahfaahin dhameystiran oo ku saabsan siduu u dhacay weerarkaasi, hadii ay jiraan howlgalo ka dambeeyay iyo dalalka ay kasoo jeeda shisheeyaha la khaarijiyay.

Hasayeeshee, taliska booliska ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ay wadaan baaris ku saabsan kiiskaan, iyaga oo tibaaxay in ay ku howlan yihiin sidii ay xaqiiqada u soo bandhigi lahaayeen.

"Waa xili hore, sidaasi awgeed waxaad u sheegtaan dadka in uu jiro weerarka, dadka la dilayna ay Ajaaniib ku jiraan ... balse xogta oo dhameystiran naga suga," ayuu yiri taliska Booliska.

Gobolka Oromada oo xuduud la leh ismaamul goboleedka Soomaalida waxaa ka jirtay xaalad deganaansho la’aan tan iyo sanadkii hore, inkasta oo bilooyinkii u dambeeyay la dareemayay xasilooni aan cago badan lahayn.

Weerarkii saaka ayaa imaanaya iyada oo dadka Itoobiyaanka ah ay wali maankooda ka guuxayso burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee 10-kii bishaan Maaj, taasoo ay ku dhinteen 157 ruux oo rakaab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM