Weerar Ajaaniib lagu dilay oo ka dhacay Itoobiya [Fahfaahin]

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dabley hubeysan ayaa lagu waramayaa in ugu yaraan Shan ruux oo labo kamid ah ay Ajaaniib yihiin ay ku dishay ismaamul goboleedka Oromada ee dalka Itoobiya.

Weerarkaan oo dhacay abaare 7:30 am subaxnimo maanta oo Talaado ah ayaa laga soo wariyay gobolka Wollega oo ku yaalla Galbeedka wadanka aan badda lahayn ee ugu dadka badan Afrika.

Mas’uuliyiinta ayaa nan wali soo bandhigin fahfaahin dhameystiran oo ku saabsan siduu u dhacay weerarkaasi, hadii ay jiraan howlgalo ka dambeeyay iyo dalalka ay kasoo jeeda shisheeyaha la khaarijiyay.

Hasayeeshee, taliska booliska ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ay wadaan baaris ku saabsan kiiskaan, iyaga oo tibaaxay in ay ku howlan yihiin sidii ay xaqiiqada u soo bandhigi lahaayeen.

"Waa xili hore, sidaasi awgeed waxaad u sheegtaan dadka in uu jiro weerarka, dadka la dilayna ay Ajaaniib ku jiraan ... balse xogta oo dhameystiran naga suga," ayuu yiri taliska Booliska.

Gobolka Oromada oo xuduud la leh ismaamul goboleedka Soomaalida waxaa ka jirtay xaalad deganaansho la’aan tan iyo sanadkii hore, inkasta oo bilooyinkii u dambeeyay la dareemayay xasilooni aan cago badan lahayn.

Weerarkii saaka ayaa imaanaya iyada oo dadka Itoobiyaanka ah ay wali maankooda ka guuxayso burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee 10-kii bishaan Maaj, taasoo ay ku dhinteen 157 ruux oo rakaab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM