Weerar gaadmo ah oo lagu dilay askar iyo dad shacab ah

Image
Waa duulaankii ugu horeeyay oo muddo sanado ah ka dhaca aaggan aadka loo ilaaliyo.

ABUJA, Nigeria - Dabley ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidan iyo magaalo ku taal waqooyi bari Nigeria, waxayna ku dileen sagaal askari, laba boolis ah iyo dad rayid ah, sidda ay sheegeen illo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Iyagoo wata gawaari ay ku rakiban yihiin qoryaha darandooriga u dhaca, dagaalyahannada oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish ee Galbeedka Afrika (ISWAP), ayaa xoog ku galay magaalada Malam Fatori, oo ka tirsan degmada Abadam, gelinkii dambe ee Jimcihii iyo horraantii Sabtidii.

"Argagixisada ISWAP ayaa weerartay Malam Fatori waxayna geysteen burbur aad u weyn kaas oo aan ka shaqaynayno sidii aan u qiyaasi lahayn," ayuu sarkaal milateri u sheegay AFP.

Labo ka mid ah laamaha ammaanka ayaa Axaddii waxay hoosta k xariiqeen in sagaal askari iyo laba boolis ah lagu dilay weerarka saldhigga, balse ma shaacin tiradda dadka shacabka ah.

"Waxay soo weerareen saldhigga ciidamada, waxaana dagaal ku dhexmaray koox labaad oo dil iyo qab-qabasho ka geysatay magaalada," ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Weerarkii ugu horeeyay oo ka dhacay meel u dhow xudduudda Niger ayaa yimid ka gadaal markii ciidamadda ay saacado kahor iska caabiyeen weerar kale oo uga yimid isla maleyshiyadda.

Malam Fatori, oo 200 kilomitir u jirta caasimadda gobolka ee Maiduguri, kuna taal cirifyada harada Chad, ayaa waxaa qabsaday maleyshiyaadka Boko Haram sanadkii 2014-kii, balse waxaa dhabarka qabsadey militariga sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo masaafurinaya safiirka Koonfur Afrika ee Washington

Ebrahim Rasool ayaa hore u soo noqday safiirka Koonfur Afrika ee Mareykanka…

  • Afrika

    15-03-2025

  • 11:41AM

Ruushka oo tababar siinaya Ciidamada Badda Itoobiya

Himilada Itoobiya ee dhismaha ciidamo badeed iyo iskaashiga sii kordhaya ee milateriga ee Ruushka ayaa dhalisay walaac ka dhex jira dalalka gobolka.

  • Afrika

    14-03-2025

  • 06:21PM