Weerar lagu dilay 11 qof oo ka dhacay Burkina Faso

Image
Qalalaasaha xiriirka la leh kooxaha hubeysan ayaa sidoo kale aafeeyay Burkina Faso ee deriska la ah Galbeedka Afrika ee Mali iyo Niger.

OUAGADOUGOU, Burkina Faso - Todobo askari iyo afar askari oo mutadawiciin ah ayaa lagu dilay laba weerar oo gaadmo ah oo ka dhacay waqooyiga ay dhibaatadu ka jirto ee Burkina Faso, sida ay ciidamadu sheegeen.

Weerarkii ugu horeeyay ee ka dhacay agagaarka magaalada Solle ayaa sababay dhimashada laba askari iyo afar mutadawiciin ah oo rayid ah oo gacan siinayay ciidanka halka shan ka mid ah ciidamada millatariga ay ku dhinteen weerar kale oo isla waqtigaas ka dhacay magaalada Ouanobe, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay ciidamadu soo saareen.

Weerarada gaadmada ah waxaa soo abaabulay "argagixisada", sida laga soo xigtay ciidanku, iyaga oo isticmaalaya eray si ay u muujiyaan kooxaha hubaysan ee ka firfircoon waqooyiga Burkina Faso.

Sagaal qof ayaa ku dhaawacantay, sida ay ciidamadu sheegeen, iyagoo intaa ku daray in la helay meydadka ku dhawaad 20 qof oo weerarka soo qaaday, intii ay socdeen howlgalladaasi. Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay ama burburiyay hub, rasaas iyo qalab isgaarsiineed, ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo ISIL (ISIS) ayaa si joogto ah weeraro uga geysanayay waqooyiga iyo bariga Burkina Faso tan iyo 2015-kii, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 2,000 oo qof ayna ku barakaceen ku dhawaad labo milyan.

Qalalaasaha xiriirka la leh kooxaha hubeysan ayaa sidoo kale aafeeyay Burkina Faso ee deriska la ah Galbeedka Afrika ee Mali iyo Niger.

Saddexda waddan ayaa ka mid ah kuwa ugu saboolsan adduunka, ciidamadooduna waa kuwo aan si fiican u qalabaysanayn cadowga ku xeel dheer duullaanka, weerarrada gaadmada ah iyo qaraxyada waddooyinka.

Bishii Disembar 2019, Burkina Faso waxay dhistay ciidan caawiya oo lagu magacaabo Volunteers for the Defence of the Motherland (VDP), kuwaas oo ka mid ah cutubyada khasaaraha ugu badan soo gaaray.

Shaqaalaysiinta waxa la siiyaa laba toddobaad oo tababar ciidan ah ka dibna la hawlgala ciidanka, sida caadiga ah fuliya ilaalinta, xog-ururinta ama hawlaha galbinta.

24-kii Janaayo, caro ka dhalatay tirada dhimashada ciidamada ammaanka ayaa dhalisay rabshado, taasoo keentay in xukunka laga tuuro madaxweynihii la doortay ee Roch Marc Christian Kabore. Taliyaha cusub ee dalka, Gaashaanle Dhexe Paul-Henri Sandaogo Damiba, ayaa ku dhawaaqay in amniga uu yahay mudnaanta koowaad.

Laakin weerarrada dhiiga badan ku daatay ayaa sii socda, inkastoo la abuuray "guddiyo wada hadal" - tijaabo buundada dhismaheeda oo ay hoggaamiyeyaasha bulshadu la hadlaan dagaalyahannada maxalliga ah si ay isugu dayaan in ay joojiyaan rabshadaha.

24-kii Abriil, 15 qof, oo ay ku jiraan sagaal askari, ayaa lagu dilay weerar abaabulan oo lagu qaaday laba cutub, sidoo kale waqooyiga, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka oo bixiyay tirokoobka khasaaraha gaaray laamaha amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM