Weerar lagu qaadey xaruumaha Sirdoonka dalka Sudan

Image

KHARTOUM - Iyadoo la afgembiyay, oo xukunka awood loogala wareegay Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa haddana waxaa wali ka socda dalka Sudan dibadbaxyo iyo rabshado ka soconaya magaalooyinka waaweyn.

Dibadbaxayaal careysan ayaa weerarey xafiisyo ay hay'adda Sirdoonka Qaranka Sudan ku leedahay magaalooyinka Port Sudan iyo Kassala, oo dhaca bariga dalkaasi, sida ay Goobjoogiyaal sheegeen.

Boqolaal dhigayay banaanbax ayaa ka qeybgaatay weerarka xaruumaha NISS ee Port Sudan, iyagoo sidoo kale burbur u geystay dhismaha hay'adda ku leedahay Kassala.

Maxaa ka dhacay Sudan?

Wasiirka Gaashaandhigga Sudan, Cawad Bin Cawf ayaa shaaciyay in Madaxweyne Cumar Al-Bashiir la geliyay xabsi guri, islamarkaana dalka lagu soo rogay Bandow oo billaabanaya 10pm illaa 4am.

Cawad ayaa ku dhawaaqay in Sudan oo ka dhacay afgembi ka dhan ah Madaxweyne Al-Bashiir, iyadoo xukunka ay la wareegeen ciidamada, waxaana la kala diray labada Aqalka ee Baarlamaanka [Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare].

Wasiirka ayaa sheegay in la dhisay Golle Militeriga oo KMG ah oo dalka sii maamuli doono labada sano ee soo socota, iyadoo wadanka Sudan saddex bilood la geliyay xaalad degdeg ah.

Al-Bashir ayaa xukunka afgembi kula wareegay 1989, isagoo dalka kusoo xukumayay mudo 30 sano ah.

Shacabka Sudan ayaa ka welwelsan in xaaladda dalkooda noqoto "kud ka guur, oo qanjo u guur" madaama aysan noqon sidii ay rabeen oo militeriga awoodda la wareegay, islamarkaana aan xukunka gacantooda ku jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM