Wiil darbi jiif ah oo sabab cajiib ah maxkamad loogu soo taagay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi caasimadda dalka Kenya waxaa kasoo muuqday wiil darbi jiif ah, kaasi oo loo haysto dambiyo ay kamid tahay arrin cajiib ah.

Seth Otieno ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in uu dil ugu hanjabay cunug 8-sano jir ah, kaasoo uu ka dalbay fal anshax darro ah.

Sidda laga soo xigtay dacwad oogayaasha, Otieno ayaa ku qasbay ilmaha yar in uu gadaal kaga galmadoodo kadib cagajugleyn cabsi gelisay ubadka.

Dhibanaha ayaa xiligii waxyeeladaan loo geysanayay wuxuu kusii jeeday guriga adeerkiisa, oo ay dan ka gashay.

Dhibaato caafimaad ayaa wiilka yar kasoo gaartay arrintaan, taasoo kolkii dambe looga daaweeyay isbitaal ku yaalla caasimadda.

Xeeb-geetada ayaa ku xukuntay eedaysanaha in uu bixiyo ganaax lacageed 2, 978 oo dollar, waxayna amartay in lagu sii daayo damaanad lacageed oo gaareysa 2,481 oo dollar-ka Mareykanka ah.

Seth Otieno oo beeniyay in uu sameeyay dhamaan dambiyadaasi ayaa codsaday in si deg deg loosii daayo, maadaama uusan awoodin in uu bixiyo lacagtaasi garka loo geliyay.

Dadwaynaha reer Nairobi ayaa aad u hadal-haya kiiskaan, iyaga oo is-waydiinaya hadii wiilka uu helay cadaalad loona qabtay qareen ka difaaca dhamaan eedaymaha loo jeediyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM