Wiil uu dhalay madaxwayne hore oo lagu xukumay 12-sano xarig ah

Image
Armando Guebuza ayaa lagu helay kiis musuqmaasuq oo dhan aduun lacageed $2 bilyan.

NAIROBI, Kenya - Ndambi Guebuza, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Mozambique, Armando Guebuza, ayaa 12 sano ah lagu xukumay kadib markii lagu helay kiis musuqmaasuq oo dhan $2 bilyan.

Fadeexadan ayaa ka dhalatay deymo la siiyay saddex shirkadood oo ay dowladdu leedahay - Indicus, Ematum iyo Mam. Lacagta ayaa loo qoondeeyay in lagu maalgeliyo mashruuc kalluumeysi.

Guebuza waxa uu xukumayay Mozambique intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2015, waxaana deymahaas si qarsoodi ah u ansixiyay dawladdii ka talinaysay Mozambique Liberation Front (Frelimo) oo uu markaas hoggaaminayay, iyada oo aanay ogayn baarlamaanka iyo maxkamadda maamulka.

Ndambi Guebuza waxa uu ka mid yahay kow iyo toban qof oo xabsiga ku jiri doona inta u dhaxaysa 10 ilaa 12 sano waxana uu sidoo kale ay bixin doonaa lacago ganaax.

Bruno Langa, saaxiibkii Ndambi Guebuza, ayaa sidoo kale waxaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah marka lagu daro ganaax Meticais 252,000 (qiyaastii $3,945).

Mid ka mid ah dadka caanka ah ee ka maqan maxkamadda balse kiiskan qeybta ka ah waa wasiirkii hore ee maaliyadda Manuel Chang. Waxa uu ku xirnaa Koonfur Afrika tan iyo bishii December 2018.

Chang oo la qabtey ka gadaal codsi ka yimid dowladda Mozambique ayaa lagu eedeeyay inuu maleegayay khiyaano qaran, wax isdaba marin amni iyo lacag la dhaqay. Wuu diiday inuu wax khalad ah sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM