Wiil uu dhalay Robert Mugabe oo loo xiray in uu burburiyey gaari

Image
Robert Mugabe Junior, oo loo malaynayo inuu yahay 31-sano jir, ayaa lasoo taagay maxkamadda Harare.

HARARE, Zimbabwe - Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay inuu khasaare hantiyeed ka geystay xaflad ka dhacday magaalada Harare.

Robert Mugabe Junior, oo loo malaynayo inuu yahay 31-sano jir, ayaa lagu eedeeyay inuu burburiyay baabuur shaqsi kale uu leeyahay dhamaadkii asbuucii hore.

Eedeysanahan ayaa waxaa la xiray ka dib cabasho uga timid saaxiibkiis, Sindiso Nkatazo, oo isna 31 jir ah, sida ay booliisku ku sheegeen bartiisa twitter-ka.

Mr Mugabe Junior, oo ah wiilka labaad ee ay dhashay carmaladda madaxweynihii hore ee uu ka dhintay, Grace, ayaan weli ka hadlin. Isku-dayo xiriir oo warbaahinta la sameysay ayaan guuleysan.

Booliska oo warbixin aad u kooban kasoo saarey kiiskan ay saxaafadda dalkan aad u hadal-hayso ayaa ka shan-qariyey in hantida burburtay lagu qiimeeyay $12,000 (£10,000).

Shabakadda wararka ee ZimLive ayaa soo bandhigtay muuqaalka Mr Mugabe oo da’yar oo u socda maxkamadda Harare isaga oo xidhan suudh iyo waji-xidhka.

Dad aad u fara badan oo loo maleynayo in ay ehelkiisa ku jiraan ayaa daba socdey, iyadoo qaar kalena ay dhinac taagnaayeen iyagoo sawirro ku qaadaya telefoonadooda.

Madaxweynihii hore ee Robert Mugabe ayaa geeriyooday sanadkii 2019 isagoo 95 jir ah, labo sano kadib markii lagu qasbay inuu xilka iska casilo kadib 37 sano oo uu xukunka hayay. Emmerson Mnangagwa ayaa badalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM