Xaalad Deg-Deg ah oo lagu soo rogay Sudan iyo Gollaha Wasiiradda oo lakala diray

Image

KHARTOUM - Madaxweynaha Sudan, Jeneraal Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo hal sano socon doonta kusoo rogay dalkiisa, isagoo sidoo kale kala diray Gollaha Wasiiradda iyo dowladaha hoose.

Al-Bashiir ayaa go'aanka qaatey kadib markii dibadbaxyo ka dhan ah dowladdiisa ay mudo bilooyin ah ay ka socdaan Sudan, kuwaasoo shacabka ay ku dalbanayaan inuu xukunka ka dega.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dalbaday Baarlamaanka Sudan inuu dib u dhigo isbedel lagu sameyn lahaa Dastuurka, taasoo u ogolaanaysa inuu u tartamo xilka doorashadda Madaxtinimada 2020.

Madaxweyne Al-Bashiir, oo 75 sano jir ah ayaa xukunka Sudan afgembi ku qabsadey 30 June 1989, waxaana uu xafiiska joogaa 30 sano, oo aan jirin cid kula loolantay, iyadoo Xukuumaddisa lagu eedeeyay inay dhaqaalaha dalka ku fashilantay.

Jeneral Cumar Xasan Al-Bashiir wajahaya cabadihii ugu waaweynaa, oo soo wajahay xukunkiisa, iyadoo uu qarka u saaran yahay in kacdoonka shacabka ee ka socda Sudan oo galaafto kursigiisa.

Warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu is-casilayo, hadii xaaladda sii cakirnaato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM