Xaalada amni ee magaalada Jigjiga oo dagan maalin kadib rabshado ka dhacey
JIGJIGA (GO)- Xaaladda magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa degan, kadib markii maalintii shalay ciidamada Militariga Federaalka ay qabsadeen xarumaha dowlada ee maamulkaas.
Wararka saaka oo Axad ah laga helayo Magaaladda ayaa sheegaya in ciidamada ka hor-tega Rabshadaha ee dowlada Federaalka Itoobiyaa lagu arkayo gudaha Magaaladda, halka kuwo kale ee ka socda dowlada dhexe ku hareeraysan yihiin Maxaxweyne Maxamed Maxamuud Cumar.
Madaxwaynaha dowlad degaanka oo saxaafadda kasooo hor-muuqday markii ugu horeysay shalay Gelankii dambe wuxuu si cad ugu eedeeyay ciidamada Milatariga inay falka ay sameeyeen uu yahay mid "sharci darro ah", ayna geysteen dhibaato badan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee dowladda Itoobiya ayaa lagu cadeeyay inay qaadi doonan talaabo walba oo ay u arkaan inay muhiim tahay, si loo sugo amaanka Magaaladda Jigjiga, xili ay ku good-diyeen in cid walba oo ka hor-timaan talaabadooda ay cagta marinayaan.
"Xaalada magaalada saaka oo Axad ah waa mid ka degan shalay, inkasta oo ay wali jirto xiisada, waxaa lagu arkaayaa wadooyinka ciidamada Booliska ee ka hor-taga rabashadaha," ayuu yiri Wariye Madax banaan oo Telafoonka ugu waramay Warsidaha Garowe Online.
Inta la hubiyay 27 qof oo aanan ahayn qowmiyada Soomaalida ayaa lagu dilay rabshadihii shalay gil-gilay Jigjiga, halka la bilaliqaystay xarumo ganacsi oo ay dadkaas la haayeen, xili la gubay Kaniisanadihii dadka Masiixiyiinta ah ee ku noolaa jigjiga.
"Koranta, Biyaha iyo adeega Internet-ka guud ahaan, waa laga jaray magaaladda kaliya waxaa shaqaynaya wicitaanka caadiga ah. Marka ma cadda talaabada xigta oo ay qaadayaan ciidamada Milatariga," ayu hadalkiisa kusii daray Saxafiga u waramay Warsidaha GO.
Madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar ayaa la sheegayaa inay wali ku hareeraysan yihiin ciidamada Milatariga, inkasta oo aanan wali la ogayn meesha uu kaga sugan yahay Magaaladda Jigjiga oo Gabal-dhicii Sabtida uu dadka kula hadlay.