Xaaska iyo aabaha ninkii isku qarxiyay hotel-ka Dusit ee Nairobi oo la xiray

Image

NAIROBI, Kenya - Booliska Kenya ayaa xiray xaaska uu qabey Mahir Khalid Rizik, oo ah ninkii isku qarxiyay gudaha Hotel-ka Dusit ee magaalada Nairobi 15-kii bishan.

Gabadhan oo lagu magacaabo, Sahaila Mwinyi ayaa maanta lgu qabtey degaanka Barakani, oo katirsan magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa kadib howlgal baaritaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay lagu baadi-goobayay.

Waxaa sidoo kale ciidamada Kenya ayaa gacanta ku dhigey aabaha dhalay is-miidaamiyaha Khalid Riziki, waxaana la waydiinayaa su'aallo la xiriira wiilkiisa iyo sida lagu xag-jireeyay, ee ugu biiray Al-Shabaab.

Mahir ayaa isku qarxiyay banaanka "Secret Garden", qeybta hoose ee la fariisto Dusit D2 hotel, kahor inta aysan afar dagaalyahan oo hubeysan aysan gudaha u galin, oo dadka u toogan sida aan kala sooca lahayn.
 
Sida ay sheegey goobjooge Cabdullahi Agello, kaasoo arkay Mahir kahor weerarka ayaa sheegay in is-qarxiyaha uu taleefonka kula hadlayay dableyda kale inta uusan billaaban weerarka. 

Mahir
 

Mahir Khalid, oo 25 jir ahaa ayaa ku barbaaray Mombasa, waxaana la rumeysan yahay in lagu xag-jireeyay Masjidka Musa oo ku yaalla magaalada Mombasa.
 
Wararka ayaa sheegaya in Mahir uu tababar kusoo qaatey gudaha Somalia sanadkii 2018, isagoo ku laabtay Kenya January 13, 2019, labo maalmood kahor weerarka Dusit D2 hotel.
 
Mahir ayaa la kulmay Cali Salim Gichunge guri uu ku deganaa degmada Muchatha, ee Kiambu County.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale qabtey 5 qof, oo shalay kasoo muuqday Maxkamad kuwaasoo laguu soo eedeeyay in kaalin ku lahaayeen weerarkii Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa sameysay baaritaan xooggan kadib weerarkii Dusit hotel, iyadoo Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sheegay in ciidamada dalkiisa ay jawaab ka bixin doonaan ficilkii argagaxiso ee Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM