Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya

Image

JIGJIGA - Gollaha Wasiirada ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay gelinkii dambe ee maanta xaruntooda magaalada Jigjiga, kaasi oo uu shir gudoomiyay Madaxwayne Mustafa Cagjar.

Qodobo dhowr ah ayaa shirkaan xasaasiga ah lagu lafaguray kuwaasi oo quseeya xaalada degaanka iyo xiisad siyaasadeed oo kasoo cusboonaatay gobolka, taasoo udhaxeysa maamulka iyo xukuumada Federaalka.

Inta badan xubnaha Gollaha Wasiirada waa ay soo xaadireen kulanka, inkasta oo ay jireen qaar ka baaqday, wallow aanan la ogayn hadii ay cudur-daar soo gudbisteen.

Gabagabadii, kulanka waxaa kasoo baxay go’aan cul-culus, kuwaasi oo qaarkood xilalkii looga xayuubiyay mas'uuliyiin.

Guuleed Kaahin Aw Cali, oo ahaa wasiirka warfaafinta ayaa shaqada laga eryay, iyadda oo lagu bedalay ku xigeenkiisa Cabdullaahi Maxamed Mowliid.

Go’aanada kale ee shirka kasoo baxay waxaa qayb ka ahaa in jagada ay waayeen; Cabdi Xakiin Cigaal, madixii xarunta dhexe ee xisbiga DDSI ka arrimiya iyo Cabdi Xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Mac'hadka farsamada.

Qodobadii kale ee kasoo baxay shirkii saaka waxaa ka mid ah:

1. In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadkii horay dambiyada uga galay deegaanka

2. In dib loo eego xubno ka tirsan wasiirrada oo ka baaqda shirarka golaha isla markaana go'aan laga qaato haddii ay sidaas iska baddali waayaan

Ugu dambeyntii, Golluhu wuxuu isku raacay in meel loogaga soo wada jeesto cid kasta oo hareer-mareysay danaha Umadda Soomaaliyeed ee Itoobiya ka tirsan, kuwaasi oo kamid ah qowmiyadaha ugu shacbiyada badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM