Xiisada Rwanda iyo DR Congo oo ku dhow gacan-ka-hadal
NAIROBI, Kenya - Militariga Rwanda ayaa rasaas ku furay diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (FARDC) Talaadadii taasoo "ku xad gudubtay hawada" waddankaas, sidda saxaafada tabisay.
Goob joogayaal ku sugan magaalada Goma ee DR Congo ayaa sheegay in ay arkeen diyaarad joog hoose ku socota oo ku dul duuleysa xadka galbeed ee DR Congo iyo Rwanda.
Diyaaradda ayaa u suurtagashay in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Goma oo ku dhow xadka dalka Rwanda, iyadoo uu dab ka kacayay garabka midig.
Goobjoogayaal ayaa tibaaxay in diyaaradda ay ku dartay gaari dab-damis ah oo soo dhexgalay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan si ay uga hortagto in diyaaradda uu si buuxda u gubto.
Ilaha militariga Congo ayaa sheegay in diyaaradda nooceedu uu ahaa Sukhoi-25 ayna ku duuleysay nidaamkeeda difaaca gantaalaha si ay u baabi'iso duqeynta.
War kooban oo kasoo baxay xafiiska afhayeenka xukuumadda Rwanda ayaa lagu sheegay in diyaarada dagaalka ee ka timid DR Congo ay kusoo xadgudubtay hawada dalkaasi.
Dhacdadan ayaa ah tii ugu dambeysay ee xiisad ka dhex abuurta labada dal ee deriska ah oo xiriirkooda uu bilihii la soo dhaafay uu gilgilay fallaagada M23 ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda ee ku sugan bariga Congo.
Dagaallo cusub ayaa subaxnimadii Talaadada ku dhex maray ciidammada dawladda iyo fallaagada M23 ee bariga Kongo dhowr goobood oo ka tirsan dhulalka Masisi iyo Rutshuru.
Goobahan ayaa u dhow magaalada Kitshanga oo qiyaastii 70 kiiloomitir (43 mayl) u jirta caasimadda gobolka Waqooyi ee Kivu ee Goma. DR Congo ayaa Rwanda ku eedaysay inay taageerto fallaagada, eedeymahaas oo Rwanda ay beenisay.
GAROWE ONLINE