Xildhibaan baarlamaanka Kenya looga saarey in ay cunug lasoo gashay

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Haweenay xubin ka ah baarlamaanka Kenya ayaa laga saarey fadhigii ay maanta lahaayeen mudaneyaasha dalkaasi kadib markii ay cunug lasoo gashay hoolka shirarka.

Suleeqa Xasan oo laga soo doortay is-maamulka Kwale ayaa soo gashay kulanka oo socda muddo 15-ilbiriqsi, balse markii ay diiday in ay dib u celiso ayuu gudoonka faray in iyadda banaanka loo saaro.

Shir gudoonka ayaa ahaa Aadan Barre Ducaale, hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, kaasi oo bixiyay amarka ay ilaalada baarlamaanka ku juujuubeen sharcidejiye Suleeqa.

Mudane kale oo lagu magacaabo Samuel Atandi kaasi oo isku dayey in uu difaaco wakiilka haweenka gobolkaasi ayaa qudhiisa dibadda looga saarey kulanka.

Barre oo difaacay go’aankiisa ayaa falkaasi ku sifeeyay "mid aanan loosoo marin nidaamka sharciga ah isla markaanan aysan dhicin tan iyo markii ay Kenya xorriyadda qaadatay".

Xildhibaano kale oo fadhiga ku jiray ayaa aad u cambaareeyay talaabada uu hormuudka u ahaa Aadan Barre, waxayna ku sifeeyeen "mid ka baxsan" bini'aadanimadda iyo xadgudub dastuuri ah.

"Hadii xubin ka tirsan Golaha ay xitaa cunugeeda ku naas-nuujineyso fadhiga Golaha waa mid ay xaq u leedahay sababtoo ah ubadka iyo adiga ma jirto wax farqi ah oo idin dhaxeeya," ayuu yiri Peter Kaluma.

Fadhigii maanta ee Xildhibaanadda dalka Kenya oo uu buuq hareeyay ayaa ajendaha wuxuu ahaa gal-dacwadeedka Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo dhageysigiisa ay dib u bilaabeyso Maxkamadda ICJ bisha September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM