Xildhibaan loo xiray hadallo been ah oo u ku faafiyay baraha bulshada

Image

Alain Lobognanoo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanaka dalka Ivory Coast horeyna u soo noqday wasiirkii ciyaaraha dalkaasi ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $520 doolar,kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka uu ku qoray hadalo been abuur ah isla markaana rabshado abuuri kara .

Xeer ilaaliyaha dalkaasi ayaa 9-kii bishaan Janaayo amar ku bixiyay in la xiro xildhibaankaan.

Waxaana xeer ilaaliyuhu uu sheegay in hadalka uu bartiisu tweterka ku qoray uu kicin karo rabshado iyo isku dhacyo bulshadeed .

Affoussiata Bamba Lamine oo ah qareenka xildhibaanka oo la xiray 15 bishan ayaa sheegtay in uu doonayo uu racfaan ka qaato eedaha loo jeediyay.

Waxay intaas ay ku dartay in ay iska caddahay in arintaani ay tahay kiis siyaasadeed oo ay ka dambeyaan qaar ka mid ah mas'uuliyiinta dalkaasi.

Lobognan ayaa muddo 10 cisho ah cuntada ka soomanaa, waxaa uu rumeysan yahay in eedeymaha loo heysta la siyaasadeeyay.

Related Articles

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM