Xildhibaan uu ku dhacay Kansar oo ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad

Image

NAIROBI, Kenya - Mudanahaan oo ka tirsan baarlamaanka wadanka Kenya ayaa laga helay xanuunkaan sanadkii hore ee 2018.

Darajo ahaan nooca xanuun ee haya Kenneth Okoth ayaa ah midka afaraad heerka lagu qiimeeyo Kansarka, walina lagama daaweyn.

Bishii Febraayo ayay ahayd markii ugu horeysay oo uu bulshadu u sharaxo xaaladiisa, isaga oo qiray in uu dareemayo walwal badan.

Talaadada maanta ah ayuu mar kale ka warbixiyay, wuxuuna sheegay in hoos u dhac wayn uu ku yimid jirkiisa.

"Waan la tacalayaa…waxaana qaadanayaan daawooyinka ku haboon si aan xanuunka uga taqaluso," ayuu raaciyay.

Xildhibaankaan ayaa daaweyn ka raadsaday dalalka Yurub, maadaama gudaha Kenya ay ku yar yihiin xarumaha lagu daaweeyo Kanksarka.

Okoth ayaa dhowr jeer ka dalbaday dowladda in ay tayeyso xarumaha lagu daaweey Kansarka si ay uga faa’ideystaan shacabka, balse wali ma aysan suurtagelin.

Kansarka ayaa lagu tilmaamayaa in uu yahay mid kamid ah cudurada dilaaga ee ugu halista badan, inkasta dadka qaar ay kaalinta koowaad geliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM