Xisbiga ka arimiya degaanka Soomaali oo magaca laga badadalay

Image
Image

JIGJIGA, Degaanka Soomaalida – Xisbiga haya talada degaanka Soomaalida ee hoostaga dowlada federaalka Itoobiya ayaa waxaa uu gebi ahaanba iska badalay magacii uu lahaa tan iyo aas-aaskiisa.

Xisbul xaakim-ka ayaa horey loo oran jiray Xisbiga Dimoqraadiga Shacabkiga Soomaalida Itoobiya, taasoo haatan loo badalay Xisbiga Dimoqraadiga Soomaali, loona soo gaabiyo [SDP].

Tani ayaa qayb ka ah mid kamid ah qodobada kasoo baxay maalintii labaad shirwaynaha xisbiga oo ka socda xarunta degaanka ee Jigjiga.

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyay shirwaynaha, iyada oo la rajaynayo in laga soo saaro war-murtiyadeed ay isku raaceen dhamaan xubnaha kasoo qaybgalay.

"Magac ka badalida xisbiga waxay ahayd wax lasii qorsheeyay ... waxaana lagu ansixiyey maalintii labaad ee shirwaynaha xisbiga," ayuu yiri mid kamid ah xubnaha shirka ka qaybgashay.

Madaxwayne Mustafa Cagjar, ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha xisbiga Axmed Shide iyo tobanaan kale oo xubno xisbiga tirsan oo qaarkood ay codad leeyihiin ayaa shirka si habsami leh uga qaybgalaysa.

Arrintaan ayaa qayb ka isbedalo tan iyo bartamihii sanadkii hore 2018 ka socda degaanka oo ku baxay Cabdi Maxamed Cumar, madaxwaynihii hore ee degaanka, kaasi oo haatan xabsi ku jira, wajahayana cadaalada.

Cabdi Illay ayaa loo haystaan eedaymo ku saabsan ku tagrifal awoodeed, xasuuq dadwayne iyo in uu isku dayay in uu isku dayay in uu madax banaani uga dhawaaqo gobolka Soomaalida, eedaymo uu beeniyay.

Logo-da cusub ee xisbiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM