Xujada hortaala darafyada saxiixay heshiiska nabada Itoobiya
ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha lagu dhaqangelinayo heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaareen Koonfur Afrika bishan.
Wakiilo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi si ay heshiis uga gaaraan dhinacyo kala duwan oo la xiriira dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Pretoria.
Talaabadan ayaa la filayaa in ay sare u qaaddo dadaallada ay wadaan dhexdhexaadiyayaasha Midowga Afrika ee lagu xallinayo colaadda labada sano socotay ee ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku barakiciyeen dalka ku yaalla Geeska Afrika.
"Waxa ay fududayn doontaa helitaanka bini'aadantinimo oo aan la hor istaagin, bixinta dammaanad amni oo la siiyo shaqaalaha gargaarka, hubinta ilaalinta rayidka iyo in la dhiso guddi isku dhaf ah oo kormeera hirgelinta," ayay yiraahdeen dhexdhexaadiyeyaasha.
Heshiiska ayaa si degdeg ah loo dhaqan gelin doonaa, sidda laga soo xigtey dhexdhexaadiyaha Olusegun Obasanjo oo shir jaraa’id ku sheegay ka hor inta aan la saxiixin.
Dhaqan-gelinta heshiiskan waa xujada ugu weyn ee hortaala. Illaa haatan, ma jiraan ifafaalo ku saabsan in uusan fulin karin. Hase ahaatee, lama ogga waxa labada daraf u qarsoon.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in si joogta ah loo joojiyo dagaalka kadib guul diblumaasiyadeed oo lama filaan ah oo ka dhacday Koonfur Afrika 2-dii November.
Gargaar bini'aadantinimo oo degdeg ah ayaa lagu soo dhawaynayaa gobol ay boqolaal kun ay wajahayaan xaalado macaluul. Jimcihii dawladda Itoobiya waxay sheegtay in gargaarka caalamiga ah "loo oggolaaday oo uu diyaar u yahay" inuu u guuro Tigrayga.
Hay’adaha ayaa isku diyaarinayay inay kolonyo gargaar ah u diraan magaalada Alamata ee koonfurta Tigray toddobaadka soo socda, waxayna wadaan dadaallo lagu ogaanayo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deegaannada kale.
GAROWE ONLINE