Yaa loo doortay gudoomiyaha cusub ee xisbiga degaanka Soomaalida?

Image
Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Waxaa maanta magaalada Jigjga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida lagu soo gabagabeeyay shirwaynihii 10aad ee xisbiga haya talada gobolkaasi hoostaga dowlada Itoobiya.

Xeritaanka shirka waxaa ka qaybgalay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaasi oo madasha ka jeediyay khudbad uu kusoo qaday isbedalkii ka dhacay degaanka iyo talaabooyinka xiga.

Qodobo dhowr ah ayaa kasoo baxay shirka oo ku jiro in lagu doortay gudoomiyaha xisbiga, ku xigeenka, Golaha Fulinta iyo Guddiyada dhexe oo ka kooban wadar ahaan 9 xubnood.

Axmed Shide ayaa difaacday kursigiisa markii loo doortay gudoomiyaha xisbiga, halka Mustaga Cagjar loo xushay ku xigeenka, isaga oo si rasmi ah uga mid noqday xisbiga oo uusan markii hore kamid ahayn.

Si lamid ah, Madaxwayne Mustafa Cagjar iyo Shide ayaa kasoo muuqday sagaalka xubnood ee Gollaha Fulinta iyo Guddiyada dhexe ee xisbiga.

Axmed Shide ayaa ah wasiirka Maaliyada xukuumada Addis Ababa. Waxa uu ku fadhiyaa mid kamid ah jagooyinka ugu muhiimsan ee dowlada federaalka Itoobiya.

Magacyadda xubnaha Golaha Fulinta iyo Guddiyadda dhexe ee xisbiga siyaasadeed ayaa kala ah sidaan hoos ku xusan:

Axmed Shide

Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar]

Aada Faarax, madaxwayne ku xigeenka degaanka.

Mubashir Dibad

Maxamed Fataax.

Cabdi Adil.

Eng Maxamed Shaale.

Cabdiraxmaan Hurre

Cabdiraxmaan Ciid Daahir

Sikastaba, xubnahaan ayaa xilka sii hayna inta laga gaarayo doorashada xigta ee xisbul xaakimka degaanka Soomaalida xili shirkaan uu noqonayo midkii ugu horeeyay kadib is-casilaadii Cabdi Ilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM