Yaa loo doortay gudoomiyaha cusub ee xisbiga degaanka Soomaalida?

Image
Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Waxaa maanta magaalada Jigjga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida lagu soo gabagabeeyay shirwaynihii 10aad ee xisbiga haya talada gobolkaasi hoostaga dowlada Itoobiya.

Xeritaanka shirka waxaa ka qaybgalay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaasi oo madasha ka jeediyay khudbad uu kusoo qaday isbedalkii ka dhacay degaanka iyo talaabooyinka xiga.

Qodobo dhowr ah ayaa kasoo baxay shirka oo ku jiro in lagu doortay gudoomiyaha xisbiga, ku xigeenka, Golaha Fulinta iyo Guddiyada dhexe oo ka kooban wadar ahaan 9 xubnood.

Axmed Shide ayaa difaacday kursigiisa markii loo doortay gudoomiyaha xisbiga, halka Mustaga Cagjar loo xushay ku xigeenka, isaga oo si rasmi ah uga mid noqday xisbiga oo uusan markii hore kamid ahayn.

Si lamid ah, Madaxwayne Mustafa Cagjar iyo Shide ayaa kasoo muuqday sagaalka xubnood ee Gollaha Fulinta iyo Guddiyada dhexe ee xisbiga.

Axmed Shide ayaa ah wasiirka Maaliyada xukuumada Addis Ababa. Waxa uu ku fadhiyaa mid kamid ah jagooyinka ugu muhiimsan ee dowlada federaalka Itoobiya.

Magacyadda xubnaha Golaha Fulinta iyo Guddiyadda dhexe ee xisbiga siyaasadeed ayaa kala ah sidaan hoos ku xusan:

Axmed Shide

Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar]

Aada Faarax, madaxwayne ku xigeenka degaanka.

Mubashir Dibad

Maxamed Fataax.

Cabdi Adil.

Eng Maxamed Shaale.

Cabdiraxmaan Hurre

Cabdiraxmaan Ciid Daahir

Sikastaba, xubnahaan ayaa xilka sii hayna inta laga gaarayo doorashada xigta ee xisbul xaakimka degaanka Soomaalida xili shirkaan uu noqonayo midkii ugu horeeyay kadib is-casilaadii Cabdi Ilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM