Zambia oo baabi'isay xukunada ciqaabta dilka toogashada ah

Image
Sidoo kale, waxaa meesha laga saarey sharci dambi ka dhigayay dhaleeceynta madaxweynaha.

LUSAKA, Zambia - Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee Zambia ayaa soo dhaweeyay go'aan lagu baabi'inayo laba sharci oo kala ah ciqaabta dilka iyo in in dhaleeceynta hoggaamiyaha dalka ay tahay dembi ciqaab mudan.

Madaxweyne Hakainde Hichilema, oo xisbigiisu mucaarid ahaa in ka badan labaatan sano, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono sharciyada haddii loo doorto xilka ugu sarreeya.

"Madaxweyne Hakainde Hichilema wuxuu ogolaaday baabi'inta ciqaabta dilka iyo dembi ka dhigida dhaliisha madaxweynaha, kuwaas oo ku yaal buugaagta qaanuunka Zambia tan iyo (Xilliyadii) xornimada ka hor," ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Anthony Anthony Bwalya.

Brebner Changala oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in go'aanku uu ahaa "mid aad u weyn oo laga saaray sharciyadii gumeysiga ee aan ku habooneyn nidaamka dimoqraadiga ah ee dalka".

Agaasimaha fulinta ee Xarunta Wadahadalka Siyaasadda, Caroline Katotobwe, ayaa waxay ka dhawaajisay in dadka reer Zambia ay hadda si xor ah u hadli doonaan.

“Haddaanu nahay daneeyayaasha waanu ku faraxsannahay in sharcigan caburinta ah ugu dambayntii meesha laga saaray. Markaa, in muwaadiniinta loo oggolaado inay si xor ah u cabbiraan aragtidooda iyagoon ka cabsanayn in dacwad lagu soo oogo sidii horeba u dhacday,” ayay xustey.

Zambia waxa ay xornimada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 1964. Dalkan ku yaalla koonfurta Afrika waxa ku nool 18 milyan oo qof. Isbadaladda siyaasadeed waxay u horseedayaan maalinba maalinta xigta in uu sii horumarayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM