ZANU-PF oo Xilka ka Qaadaya Robert Mugabe, Dadweyne Banaanbaxey

Image

HARARE - Xisbiga hayey talada dalka Zimbabwe ayaa qorsheynaya in Axada 19 Nov, 2017 ka xayuubyaan xilka Madaxweyne Robert Mugabe islamarkaana dib u magacaabaan ku xigeenka Madaxweynaha Emmerson Mnangagwa oo horey loo ruqseeyey. Warkaan soo baxay ayaa sababey in kumanaan tageerayaal u ah xisbigaan u soo baxaan jidadka magaalo madaxda dalkaas.

Mugabe oo xakumey dalka Zimbabwe 37 sano ayaa dhamaadey kadib markii si rasmiya ciidamada dalkaas xukunka la wareegeen Arbacadii lasoo dhaafey kuwasoo ku xanibey Madaxweynaha gurigiisa kadib markii ay sheegeen iney ugaarsanayaan dambiilayaasha ku hareereysan.

Talefishinka qaranka ee wadanka Zimababwe ayaa sheegey in Madaxweyne Mugabe uu maalintii Axada la kulmi doono saraakiisha ciidamada iyadoo wadaadka ugu sareeya diinta Catholic Fidelis Mukonori uu dhexdhexaadin doona sidii wadada looga xaari lahaa awood wareejin u dhacda si nabad ah.

Kumanaanta qof oo wadooyinka Harare isugu soo baxey ayaa iyagu u baahneyn in Mugabe xilka ka dago madaama ay rumeysan yihiin in waqtigiisii dhamaadey. Dadkaas oo is gacan qaadaya ayaa sidoo kale soo dhoweynayey ciidamada sida Nabada ah xilka ugu wareejiyey kaligii taliye Mugabe.

Sawirada kasoo baxayey mudaharadkii maanta ayaa waxay dadka dib u soo xusuusiyeen markii xukunka laga tuurey kaligii taliyihii Nicole Ceausescu 1989, markaasoo Rag, Dumar iyo Caruur jidadka isugu soo baxeen kuwasoo gacan qaadayey ciidamada saaran gadiidka gaashaman kadib markii Arbacadii lasoo dhaafey xukunka ka tuureen Mugabe oo dalkaan xakumayey tan iyo markii uu xornimada qaatey 1980.

93 jirkaan oo dalka Zimbabwe gacan adag ku hayey muddo 37 sano ayaa Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafey daawanayey tageerayasha xisbigiisa, ciidamada amniga oo ka kala yaacey kuwasoo ka baqaya in la bartilmaameedsado.

Dhinaca kale wararka laga helayo xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa sheegayan in kulankooda dhici doona 10:30 a.m (Axada) xilka ka xayuubin doona sidoo kale Islaantiisa Garce Mugabe oo madax u aheyd jaanibka Haweenka ee xisbigaan halka uu qorshuhu ahaa iney noqoto Gudoomiyaha ZANU-PF

Qoyska Mugabe oo intiisa badan magangalyo siyaasadeed ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa sheegey in hogaamiyaha dalkaas ku dhiman doono waxaa uu aaminsan yahay isagoo aan marna ogolaan doonin in xilka uu ka dago hadalkaas ayaa ciidamadu kasoo qaadeen waxba kama jiraa.

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Equatorial Guinea: Mas’uul lagu helay 400 cajalado falal anshax xumo ah

Dadka uu muuqaaladan ka duubay waxaa kamid ah xaaska iyo qaraabada madax ay ku jiraan wasiiro.

  • Afrika

    05-11-2024

  • 07:53PM

Itoobiya: Imaam Masaajid iyo dad kale oo qaraabadiisa ah oo la dilay

Falkan ayaa wuxuu ka dhacay Masjid ku yaalla degmada Dera ee Waqooyiga Shoa.

  • Afrika

    05-11-2024

  • 07:21AM