Zimbabwe: Fadeexad culus oo soo wajahdey qoyska Robert Mugabe

Image
Haddii waanwaanta ay guulaysan weyso, waxaa qasab ah in wiilka Mugabe uu maxkamadda dib ugu laabto.

HARARE, Zimbabwe - Wiil uu dhalay madaxweynihii waqtiga dheer xilka hayay ee Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa lagu xirey magaalada Harare ee caasimadda dalkaasi kadib markii sida la sheegay uu geystey qasaaro hantiyeed.

Inanka Mugabe ayaa kasoo muuqday maxkamad, waxaana la sheegay in loo xirey kadib markii uu burburiyay muraayadaha gaadiid ay dad kale lahaayeen meel xaflad ah, eedeyntaasi oo uu beeniyay.

Garyaqaanka ina Mugabe oo lagu magacaabo Ashiel Mugiya ayaa sheegay in ay socoto waanwaan kala dhaxaysa dhinaca kale ee dacwadda gudbistay, lagana yaabo in xaal mastuur lagu dhameeyo arrinka.

Hantida uu burburiyay ayaa lagu qiyaasya lacag dhan $12 kun oo doolar, sida ay warisay warbaahinta dalkaasi oo soo xigatay taliska ciidamadda booliska.

31-jirkan ayaa waxa Mugabe u dhashay Grace Mugabe oo ahayd xaaskiisii ugu dambeysey ee u dhaxday ka hor inta uusan dhiman madaxweynaha oo dunida si weyn caan uga ahaa.

Haddii waanwaanta ay guulaysan weyso, waxaa qasab ah in wiilka Mugabe uu maxkamadda dib ugu laabto. Mugabe ayaa dhintey 2019-kii labo sano kadib markii uu xilka ka dagay, isaga oo kursiga joogay muddo aad u dheer.

Wuxuu ahaa hogaamiye Afrikaan ah oo haystay taageereyaal aad u badan, balse qeybo ka mid ah caalamka ayaa looga yaqiinay kaligii taliye arxan daran, isaga oo lagu eedeeyay in uu barakiciyey beeralay caddaan ah oo tiro badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Ciidamada Eritrea waxay gobolka Tigray kasii wadaan Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha

“Xorriyadda iyo mas'uuliyad darrada ayaa sii xoojineysa kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayey tiri Brands-Kehris.

  • Afrika

    01-03-2025

  • 02:46PM

Sudan oo u yeertay safiirkeeda Kenya kadib Shirkii RSF ee Nairobi

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum.

  • Afrika

    21-02-2025

  • 12:37PM