Zimbabwe: Mnangagwa oo la dhaarinayo maalinta Jimacaha

Image

Idaacada Dowlada ayaa sheegtey maanta in Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa la wareegi doono xilkii uu baneeyey Robert Mugabe.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa loo dhaarin doona xilka Madaxweynaha dalkaas Jimacaha, sidaas waxaa sheegey Idaacada Dowlada.

Idaacdaan ayaa sidoo kale sheegtey in Mnangagwa Dalka Zimbabwe dib ugu soo noqon doono maalinta Arbacada.

Mnangagwa ayaa dalka ka maqanaa tan iyo November 6, 2017 kadib markii Madaxweyne Mugabe xilka qaadey.

Mugabe ayaa xilka iska casiley Talaadadii lasoo dhaafey kadib markii cadaadis kaga yimid afgambi aan dhiig ku daadan ay ciidmada dalkaas sameeyeen.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dagaalka Itoobiya oo sii fidaya, xoogagga Tigray oo qabsaday saddex garoon

Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii saddexda magaalo, halka duulimaadyada…

  • Afrika

    25-09-2026

  • 03:06PM

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM