Uganda oo sii deysay taageereyaashii Arsenal ee la xiray
KAMPALA, Uganda - Ilaa sideed [8] kamid ah taageerayaasha Arsenal ee lagu xiray magaalada Jinja ee dalka Uganda ayaa la sii daayay, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.
Jamhiirtan ayaa xabsi loo taxaabay kadib markii ay u dabaal dageen guushii ay kooxdu ka gaartay naadiga Manchester United kulanka ka tirsanaa horyaalka Premier League
Funaanadda cas ee naadiga ayay xirnaayeen markii la xirayay iyo markii la sii deynayey. Intaas waxaa wehlisa in ay siteen koob astaan u ah intii ay xidhnaayeen Isniintii.
Taliska Booliska ayaa sheegay in dadkan la xiray maadaama aysan haysan wax ogolaansho ah oo ay ku qaban karaan mudaaharaadka taas oo ah xadgudub ka dhan ah nidaamka guud.
"Laakin, Talaadadii koox amni oo wadajir ah ayaa isku raacay in si taxadar leh loo sii daayo," ayuu yiri James Mubi, afhayeenka bilayska ee gobolka oo warbaahinta la hadlay
Afhayeen u hadlay booliiska ayaa ku andacoodey in taageerayaashu aysan garaneyn waxyaabaha aasaasiga ah ee ku saabsan kooxda - in aysan garaneyn sanadka ay Arsenal guuldarro la'aan tahay oo ay u magacaabeen goolhayihii hore ee Uganda ciyaaryahan Arsenal ah.
Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa u sheegay saxafiyiinta in ay "doonayaan ogolaansho [si ay ugu dabaaldegaan] haddii Arsenal ay ku guuleysato horyaalka Premier League".
"Waxaan ku qaban doonaa dabaaldega garoonka Bugembe," ayuu ku daray hadalkiisa wakiilka qofkan oo isku magacaabay in uu yahay wakiilka kooxda Arsenal ee waddanka Uganda.
GAROWE ONLINE