Waa kuma Senator-ka ku guuleystay tartanka feerka?

Image
Sharci-dejiyahan ayaa sidoo kale waxaa lagu waramay u sharaxan yahay madaxwaynenimo.

MANILA, Philippine - Feeryahan ahna xubin ka tirsan Aqalka Sare baarlamaanka Philippine, Manny Pacquiao, ayaa wuxuu xalay ka adkaadey Yordenis Ugás, oo u dhashay waddanka Cuba kadib dagaal adag oo dhexmaray.

Pacquiao oo ah 35-sano jir ayaa guusha ku hantiyey go'aan ay gaareen garsooreyaasha maadaama ka firfircoonaa iskana caabin badnaa Ugas oo qudhiisa ku wanaagsanaa dhinaca feerta oo isku dayo badan uu abuuray.

Guuleystaha oo ciyaarta kadib la hadlay warbaahinta ayaa muujiyey farxad badan guusha uu gaarey kaidb markii mudadii ugu dheereyd uu ka maqnaa masraxyada. Ugas wuxuu u hambalyeeyay saaxiibkii ka badiyey.

Dheesha waxaa martigeliyey garoonka T-Mobile Arena oo ku yaala gobolka Las Vegas dalka Mareykanka. Wadarta ka qeybgaleyaasha waxay gaareysay 17,438. Kulankan wuxuu gabagabo u ahaa xarfadda Pacquiao.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan Pacquiao ay u badan tahay in uu isku soo sharaxo tartanka madaxtinimada Philippine oo qorshuhu yahay in ay qabsoonto sanadka dambe 2022-ka gaar ahaan Isniin 9-ka bisha May.

Kursiga Senator-nimada ayuu ku fadhiyaa tan iyo sanadka markii uu ahaa 2016-kii. Kahor wuxuu madaxwayne kasoo noqdey xisbiga PDP–Laban. Si lamid ah, wuxuu 2010 illaa 2016-kii uu ahaa wakiilka gobolka Sarangani.

Shirka jaraa'id ee uu qabtey kadib kulankii uu la feertamay Ugas kaasoo uu ku difaacdey koobkiisa WBA, sharci-dejiye Pacquiao ayaa caddeeyay in uu bisha soo aadan kala caddeyn doono in uu u baratamayo madaxweynimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM