Wasiirka cayaaraha oo garoon ka dhagax-dhigay Balcad
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo uu weheliyo wasiirka wasaarada Dhalinyrada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka HirShabeelle Maxamed Caynte, Xildhibaanno Ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Xiriiirka Kubada Cagta Hirshabeelle iyo guddoomiyaha degmada Balcad ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Garooonka Kubada Cagta Dr Ayuub Jeenyo ee Ee degmada Balcad.
Garoonkan oo ay iska kaashadeen bulshada Balcad iyo hay’adda IOM ayaa loo dhisi doonaa si casri ah iyadda oo la dhigi doono roogga cagaaran ee garoomada kubadda cagta la dhigo.
Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda dhagax dhigga ayaa balan qaaday in wasaaraddiisu qayb ka mid ah garoonka ay ka dhisi doonto xarun dhalinyarada lagu baro farsamada gacanta iyo xirfado u sahli kara inay si fudud ugu biiraan suuqa shaqada.
Dhismaha iyo qalabaynta garoonkan ayaa qayb wayn ka gaysan doonta horumarinta Sports-ka deegaanka iyo in dhalinyaradu hellaan goobo ay isugu yimaadaan.
GAROWE ONLINE