Xamse oo farageliyey khilaafka doorashada xiriirka kubada cagta

Image
Guddiga doorashadda ayuu ku tartarsiiyey in uu ka feejignaado in dhinac gaar ah ay la saftaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Barre ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha dhawr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan doorashada Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo la filayo in dhowaan la qabto iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada ku sugan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Wasiirka koowaad ayaa sheegay in Guddiga looga fadhiyo inuu qabto doorasho caddaalad ku dhisan, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan xiriirka. Waxa uu ka digay in aan la aqbali karin is barbar yaac, isaga oo kula dardaarmay in Guddigu ka feejignaado in dhinac gaar ah ay la saftaan.

Xamse ayaa caddeeyay in rajo weyn laga qabo dhallinyarada 17 jirka ah ee guusha soo hooyay, isla markaana aan loo baahneyn in lagu niyad jabiyo is qabqabsi dhexdooda ah.

Dhinaca kale, Xamse ayaa xusay in Wasaaradda iyo Xiriirka laga doonayo inay abaabulaan cayaaro iyo is dhexgal bulshada iyo dhallinyarada ku sugan goobaha Khawaarijta laga xoreeyay, isla markaana dhallinyarada loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan.

Kulankan ayaa ka dhigan in Xamse uu farageliyey khilaafka ka taagnaa doorashadda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya taasoo sababtey in xiriirka kubadda cagta aduunka uu ku hanjabo in Soomaaliya uu kala laaban doono xubinimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pep Guardiola oo qiil u yeelay guuldarooyinka Man City

City waxay isku diyaarineysaa kulan muhiim ah oo ay Liverpool ku wajahayaan Anfield, iyadoo rajeynaysa inay joojiso hoos-u-dhaca taariikhiga ah.

  • Cayaaro

    24-11-2024

  • 04:55AM

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM