Labo sano guurada Xasan Sheekh: Qalalaase dastuur iyo "inqilaab aamusan"

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 15-ka May u dabaal-dagaya labo sano guurada markii dib loo doortey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la wareegay dal hal dastuur leh. Labo sano kadib, dalku wuxuu leeyahay labo Dastuur.

Puntland waxay haysataa kii sharciga ahaa ee heshiiska lagu wada ahaa (2012).  Dawladda Federaalku waxay leedahay dastuur cusub oo Madaxweynuhu saxiixay,  oo lagu muransanyahay (2024). Somaliland iyadana keedii bay haysataa oo wada hadalladii god dheer bay kasii hoobanayaan.

Madaxweyne Xasan wuxuu dalka ka abuuray qalalaase dastuur iyo khilaaf ay Soomaalidu ka soo gudubtay 2012kii. Wuxuuna dalka dib ugu celinayaa marxaladdii wada hadalladii dastuurka ee shirarkii Garowe 1 iyo 2.

Taariikhda dalka, laga soo bilaabo 1960 illaa 2024, Xasan Sheekh waa Madaxwynihii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loo doortay ee ka guuray dastuurkii lagu dhaariyay, una  wareegay dastuur aysan umadda heshiis ku ahayn, wuxuuna u dhaqmayaa sidii Madaxweyne dalka INQILAAB ku qabsaday oo kale.

Laba sano kaddib dhawr arrimood oo aan kaga digay waraysigii ugu horreeyay ee aan bixiyay ayaan doonayaa inaan dib wax uga iftiimiyo maalmaha soo socda.


AFEEF: Fekrada qoraalka iyo aragtida uu xambaarsan yahay waxa ay gaar u tahay qoraagga ku saxiixan kama turjumeyso siyaasadda guud ee Warsidaha Garowe Online.

Related Articles

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud oo looga digay "khiyaano qaran"

Dhambaalkan ayaa imaanaya kahor wadahadalka la filayo inuu ka furmo dalka Turkiga.

  • Fikradaha

    11-08-2024

  • 07:20AM

Xasan Khayre: Madaxweynaha waa inuu raaligeliyo dhalinta

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa ka falceliyay hadalkii Xasan Sheekh ku weeraray dhalinyrada.

  • Fikradaha

    10-08-2024

  • 12:26PM