“Kal-fadhigii mooshinada” oo u bilowday baarlamaanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka 11aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday 25-kii November, 2023. Furitaankan wuxuu kusoo hagaagay xilli ay jiraan mowjado siyaasadeed.

Maalin kadib shaqo kusoo laabashada Xildhibaanada, kutlad loogu magacdaray “TOOSIN” ayaa shan mudane ay uga dhawaaqeen banaanka xarunta Aqalka Hoose. Tani waxa ay tahay hirarka siyaasadeed ee is hartin doona.

Illo ku dhow Xildhibaaanda ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in illaa saddex mooshin ay horyaalaan Golaha Shacabka. Labo kamid ah ayaa ka dhan ah Laanta Fulinta halka kan saddexaad uu albaabada u garaacayo gudoonka Aqalka.

“Midka ay ugu yar tahay mooshinadan waxaa saxiixay in ka badan 70 mudane,” ayuu yiri hal Xildhibaan oo codsadey in aan magaciisa loo sheegin sababo ku aadan inuusan fasax haysan. “Dhamaantooda waxay heleen taageero ku filan”.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu haystaa hindisaheeda ku aadan wax ka badalka dastuurka kaas oo xeerinaya in dalka u guuro nidaamka madaxtooyadda. Dadka dhaliilsan fekerkan waxa ay sheegayaan in uu dhalayo kaligii-taliyo cusub.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu maagay inuu ka ololeeyay Xildhibaan Marwo oo u taagneyd kursiga hogaanka baarlamaanka aduunka. Mooshinkan waxaa ku mideysan siyaasiyiin badankooda kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo haysta rajada ugu yar ee uu kaga badbaadi karo mooshinkan ayaa la isku dayayaa in uu sameeyo isku-shaadheyn si ay xilal u helaan mudaneyaasha banaan jooga ah ee xilalka ka raadinaya xukuumadda.

Sikastaba ha ahaatee, hogaanka haatan xukunka haya ee dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda in ay soo qaateen sanadihii malabka waxaana u bilaaban doona waayihii xakaarka siyaasadeed oo ay ugu horeeyaan maareynta mooshinadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ujeeddooyinka France ee Afrika: Doorka Jabuuti iyo Dalalka Geeska Afrika

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

  • Maqaalo

    29-12-2024

  • 09:01AM

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Dalabka Erdoğan ee Dhexdhexaadinta Xalka Dagaalka Suudaan… Labo Waji oo Isla Lacag Ah

Turkigu wuxuu leeyahay taariikh xiriir dhow oo uu la leeyahay Suudaan, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay damac gumeysi.

  • Maqaalo

    24-12-2024

  • 01:54PM