Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Image
Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyayaasha madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada ayaa wadahadalo socon doono labo maalmood uga furmeen magaala madaxda Muqdisho.

Qodobada ugu muhiimsan ee ay lafa-gurayaan madaxda ayaa waxaa kamid ah galka doorashada oo ah midka ugu xasaasisan ee waqtiga yaalla suuqa siyaasada dalka.

Sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online, labada dhinac - Dowladda Federaalka iyo Maamuladda - ayaa kala riixaya labo aragtiyo kuwaas oo si weyn u kala fog marka la eego mar-xalada taagan.

Madaxwayneyaasha Dowlad goboleedyadda ayaa xusul-duub waxa ay ugu jiraan qabashadda doorasho dadban oo u gaar ah in ay hadda qabsadaan oo sidaas ay taladooda ku yeeshaan.

"Haddii ay taasi waayaan waxa ay madaxda maamualdda doonayaan in ay helaan helaan muddo kororsi ay la waqti yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh, May 2026-ka," ayuu yiri qof xog-ogaal ah.

Hase ahaatee, Villa Soomaaliya ayaa dhankeeda rabto doorasho qof iyo cod ah in la qabto, lagana shaqeeyo kahor March 2025-ka si ugu dambeyn June ee sannadka dambe loo qabto.

"Balse tani waxaanan ku qanacsaneyn madaxda dowlad goboleedyadda maadaama ay ka dhex-arkaan dhimashooda siyaasadeed," ayuu yiri ruux kale oo aad ugu dhuun-daloola shirkan.

Geesta kale, madaxda ayaa la filayaa in ay dood adag ka yeeshaan waa in SSC-Khaatumo lagu soo daro shirka iyo in kale maadaama hogaamiyaha maamulkan la casuumay kuna sugan yahay magaalada Muqdisho.

Kulankan waxaa kamid ah madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo xukuumadiisa ay horey u sheegtay in aysan aqoonsaneyn dowladda federaalka "markii ay baalmartey dastuurka".

Sikastaba ha ahaatee, natiijo kasta oo kasoo baxda shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono maadaama doorashadda ay hortabin leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ujeeddooyinka France ee Afrika: Doorka Jabuuti iyo Dalalka Geeska Afrika

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

  • Maqaalo

    29-12-2024

  • 09:01AM

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Dalabka Erdoğan ee Dhexdhexaadinta Xalka Dagaalka Suudaan… Labo Waji oo Isla Lacag Ah

Turkigu wuxuu leeyahay taariikh xiriir dhow oo uu la leeyahay Suudaan, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay damac gumeysi.

  • Maqaalo

    24-12-2024

  • 01:54PM