Nidaamka maaliyada Al-Shabaab ee "haysta sharciayda daahsoon"

Image
Hay'adda Global Initiative ayaa warbixin ay soo saartey waxay ku faahfaahisay qaabka ay dakhliga ku hesho "kooxdan maafiyada ah".

NAIROBI, Kenya – Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka hirgeliyey nidaam maaliyadeed oo haysta "sharciyad daahsoon" kaasoo ay ku helaan lacago badan, sidda laga soo xigtey Global Initiative.

Qaraamda Midoobay ayaa sheegtay in sanad walba ay xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida u soo xarooto dakhli dhan $100 milyan isla markaana $24 milyan kamid ah ay ku kharash-gareyso sahayda hubka.

Dowladda Soomaaliya oo "baad" ku tilmaamtay hanaankan ay dahliga ku hesho Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqdey dagaal dhanka maaliyada ah oo ka dhan ah kooxda ugana digtey ganacsatada in ay maalgeliyaan "Khawaariijta".

Sida laga soo xigtey warbixinta GI, baro kontarool oo kooxda ku leedahay inta badan koonfurta waa isha ugu badan ee dakhliga kooxda waxaana ay ka kooban tahay lacag laga qaado gaariga iyo darawalka oo la diiwaan-gelinayo.

Al-Shabaab ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxay gaadiidka ku canshuurtaa ugu yaraan $4; ugu badnaana $450. Sidoo kale, raashiinka waxay ka qaadaa ugu yaraan $2 ugu badnaana $975, halka xoolaha ay ku dalacdo ugu yaraan $2 illaa $10.

Dhexgalka qaabka maafiyada ah

"Gaadiidka wuxuu soo xareeyaa %60 dakhliga guud ee Al-Shabaab," ayay raacisay qormadda. Lacagaha waxaa qaadaa saraakiil ka tirsan waxa ay kooxda ugu yeerto Maktabada Maaliyada oo u dhiganta Wasaaradda Maaliyadda.

Global Initiative oo warbixinteeda ay ku saleysan tahay xog-uruurin la sameeyay July 2015 illaa October 2021 ayaa daaha ka rogtey in Al-Shabaab aysan u naxariisan qof kasta oo u hogaansami waaya amaradooda bixinta lacagta baada ah.

Baareyaasha ayaa natiijadooda waxay salka ku haysaa falanqeyn iyo baaritaan qoto dheer oo ay ku eegeen 600 xabo oo rasiidho ah kuwaasoo ay soo saareen saraakiisha Al-Shabaab u qaabilsan uruurinta lacagaha baada ah.

"Al-Shabaab waxay qaab maafiya oo kale u dhex gashay heerar kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed ah, sida dhaqaalaha, bulshada rayidka ah, hoggaanka qabiilka, hay’adaha dawladda iyo laamaha amniga," ayaa lagu yiri warbixinta.

Dhaqaalaha ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu xudun u yahay dhaqdhaqaaqyadda sidda weerarada iyo qaraxyadda ay Al-Shabaab ka geysato meelo ay kamid tahay Muqdisho isla markaana haddii la joojiyo uu istaagi doonan falalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ujeeddooyinka France ee Afrika: Doorka Jabuuti iyo Dalalka Geeska Afrika

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

  • Maqaalo

    29-12-2024

  • 09:01AM

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Dalabka Erdoğan ee Dhexdhexaadinta Xalka Dagaalka Suudaan… Labo Waji oo Isla Lacag Ah

Turkigu wuxuu leeyahay taariikh xiriir dhow oo uu la leeyahay Suudaan, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay damac gumeysi.

  • Maqaalo

    24-12-2024

  • 01:54PM