Su’aallo kasoo laabtey diyaarad gaar uu joogto u adeegsado Xamse

Image
Diyaaradan waxaa leh wiil uu soddog u yahay madaxweynaha Jabuuti xilli Muqdisho sheegato in ay saaxiib la tahay Eritrea.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cumar Xaashi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu si joogta ah u raaco diyaaradda Ivory Jet Services marka uu galayo safar dibadda ah.

Xaashi ayaa sidoo kale waxa uu ku magacaaban yahay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ah.

Xaashi waxa uu kamid ahaa wafdiga madaxweynaha ee u raacay dalka Baxreyn halkaas oo uu shir u tagay. Fashilkan ayaa hadalheyn badan waxa ay ka dhalisay baraha bulshadda.

Diyaaradda sida gaarka ah loo leeyahay oo xarunteedu tahay Djibouti, waxa iska leh Tommy Tayoro, oo ah wiilka uu soddoga u yahay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Geelle kaas oo waalidkiisu yihiin Ivory Cost iyo Faransiiska.

Su’aallo badan ayaa kasoo Laabtaan sababta uu Xamse ku doortey inuu si joogto ah u adeegsado diyaaradan. Dadka qaarkood ayaa duraya kharashka ku baxaysa halka kuwa kalana ay is-waydiinayaan in ay dhaawici karto xiriirka dalalka qaarkood.

Agaasimihii hore we Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed ayaa carabka ku dhuftay in talaabada Xamse ay wiiqi karto xiriirka Muqdisho kala dhaxeeyo Eritrea maadaama uusan fiicneyn cilaaqaadka Jabuuti iyo Asmara.

“Laba dawladood oo madax-banaan ayaa ku milmay dano shaqsiyadeed oo gaar ah iyo dano ganacsi,” ayuu kusoo daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Wuxuu raaciyay: “Waxaa isweydiin leh sida ay dowladda Soomaaliya ula saaxiibi karto Eritrea iyaddoo ay safarrada caalamiga ah u isticmaasho diyaarad fadhigeedu yahay dalka Jabuuti, oo uu leeyahay Tommy Tayoro, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Ismail Oguelleh? Khatarta suurtagalka ah ee basaasnimada iyo jebinta amniga”.

Xafiiska warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaan ka jawaabin codsi ku aadan inuu fahfaahin ka bixiyo dhacdadan.

Sikastaba ha ahaatee, Jabuuti ayaa si ballaaran ugu milneyd siyaasada gudaha Soomaaliya tan iyo markii dib loo doortey Xasan Sheekh waxaana jira mashaariic kale oo ay is-dhaafsadeen madaxda labada dal kuwaas oo qoyskooda u gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ujeeddooyinka France ee Afrika: Doorka Jabuuti iyo Dalalka Geeska Afrika

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

  • Maqaalo

    29-12-2024

  • 09:01AM

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Dalabka Erdoğan ee Dhexdhexaadinta Xalka Dagaalka Suudaan… Labo Waji oo Isla Lacag Ah

Turkigu wuxuu leeyahay taariikh xiriir dhow oo uu la leeyahay Suudaan, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay damac gumeysi.

  • Maqaalo

    24-12-2024

  • 01:54PM