Dilkii ganacsade Quurow oo dad badan loo soo qabtey

Image

February 18, 2015 (GO)- Ugu yaraan konton qof ayaa loo soo qobtey dilka Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quurow) oo shalay lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Badi dadka la xirxirey oo dhallinyaro u badan waxaa laga qabtey xaafadda Hawlwadaag.

Duqa degmada Beledweyn Maxamed Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka la qabqabtey baaritaan baaritaan lagu wado wixii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loogu soo celin doono.

Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quurow) ayaa kamid ahaa ganacsatada sida weyn looga tixgeliyo Beledweyn, wuxuu sidoo kale kamid ahaa waxgaradka gobolka ee nabadda iyo xasiloonida aadka uga shaqeeya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Ka Baxay Degmo Istaraatiji Ah

Aadan Yabaal ayaa horey u ahayd saldhiga ugu weyn Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe kahor inta aan laga saarin December 2022.

  • Soomaliya

    16-04-2025

  • 11:46AM

Soomaaliya oo Kamid Noqotay Dalalka Awoodda Ciidan ee Ugu Daciifsan 2025

Dalka Itoobiya ayaa kaalinta 52-aad ka galay, halka Kenya ay ku jirto kaalinta 83-aad. Jabuuti kama muuqato liiska 2025.

  • Soomaliya

    15-04-2025

  • 03:19PM