Somalia: Nabadoono lagu dilay Ceel-Waaq iyo Afgooye

Image

AFGOYE, Somalia - Saddex Nabadoon ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay degmooyinka Ceel Waaq iyo Afgooye, oo ku yaalla gobollada Gedo iyo Shabeellaha hoose, ee Koonfurta Somalia.

Labo kamid ah Nabadoonada ayaa Meydadkooda waxaa laga helay saaka degmada Ceel-Waaq, kadib markii xalay laga afduubay Guryahooda.

Odayga saddexaad waxaa lagu toogtey gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Nabadoonka lagu dilay Afgooye waxaa lagu magacaabi jiray Nuuradiin Cabdullaahi Aweys oo ka mid ahaa waxgaradka Degmadaasi, waxaana wali la ogeyn sababta dilkiisa ka dambaysa.

Odayaashan oo lagu kala magacaabi jiray Nabadoon Cabdiraxmaan Ugaas Cali "Damdamle" iyo Macalin Aadan ayaa dableyda hubaysan waxay ku dileen Suuq Buusaar, oo ah Suuqa Geella lagu iibiyo ee degmada Ceel Waaq.

Saraakiisha Ceel Waaq iyo Afgooye waxay sheegeen inay baarayaan dilka Odayaasha. Ma jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyada dilalka.

Al shabaab ayaa inta badan fulisa dilalka qorsheysan ee lagu qaarijinayo Odayaashii soo doortey Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo la filayo in ay is-weydaarsadaan maxaabiis dagaal

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday magaaladda, iyadoo ka dhagax-dhigay mashaariic dhowr ah.

  • Soomaliya

    14-04-2025

  • 02:34PM

Donald Trump oo Balanqaaday Inuu Soomaaliya Ka Difaaca Doono Xuutiyiinta

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in xiriirkan uu sii wadi karo burburinta Geeska Afrika iyo in kooxaha xagjirka ah ay helaan hub casri ah.

  • Soomaliya

    14-04-2025

  • 01:50PM