Somalia: Saraakiil loo xiray weerarka Laanta Buuro Shabeellaha hoose
MUQDISHU- Warar aan ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in saraakiil katirsan ciidanka dowladda gaar ahaan hogaamiyaasha ciidamadii ku sugnaa xero ku taalla deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha hoose loo xiray weerar Shabaab ku qaadeen xeradaasi oo sahlay inay qaataan gaadiid iyo saanad millateri.
Saraakiisha la xir-xiray ayaa la tuhunsanyahay inay qayb ka qaateen fududaynta weerarka kooxda iyo qaadasha saanadda milateri.
Xubnaha la xiray oo tiradooda la cayimi ayaa lagu hayaa saldhig ciidan oo ku yaalla magalada Muqdishu, waxaana la weydiinayaa su'aalo ku saabsan qaabka dagaalku u dhacay iyo sababta gaadiidkaasi dagaal mallayshiyada gacanta u gashay.
Arrinta ayaa timi kadib weerar 21 bishan ka dhacay saldhig ciidan oo 40-km dhinaca Koonfureed kaga beegan caasumadda Somalia, waxaan mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab u suuro gashay inay qaataan toddoba gaari oo ay sheegeen inay isugu jireen kuwa dagaalka iyo kuwa kale ee ciidamadu isticmaalaan iyadoo intaasi weheliyaa hub kala duwan.
Dagaalkaas waxaa mallayshiyada Shabaab sheegeen inay ku dileen 70 askari oo ciidanka dowladda kamid ah.
GAROWEONLINE